Xoghayaha Joogtada  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Shir la qaatay masuuliyiin ka socotay  UNDP.

Shir  looga hadlayay sida ay u wada shaqeeyaan hay’adda UNDP iyo  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayna ka qeyb galeen mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda iyo hay’adda UNDP ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda  shaqada magaalada Muqdisho.

Shirka  ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane  Xasan Shariif Cusman,  waxaana ka qeyb galay Sarkaal sare oo  hay’adda UNDP  u qaabilsan  daba galka Xoojinta waxqabadka hay’adaha (strenghthening institutional performence (SIP) Mr. Paul Laundberg, Mr. ClearConsult  iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xasan Shariif Cusmana, oo ka hadlay shirka  ayaa yiri  ” waxaan kulankan ku  lafa guray sidii ay UNDP-da gacan inooga siisay  dib u habeynta sharciga shaqaalaha Rayidka ee Dowladda ee Lr.11, shaqaaley siinta shaqaalaha CIM ee hoostaga  Baanka Aduunka (world bank) iyo  hirgelinta qorsheyaal badan si loo horumariyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Xoghayaha Joogtada ayaa intaasi raaciyay, in mas’uuliyiintii ka socotay UNDP ay sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan qorshaha wada shaqeynta dawlad  goboleeyada dalka iyo wasaaradda, sidii looga  hirgelin lahaa ayaa UNDPda lagu eeday in ay si toos ah ula xiriiraan gobolada. wasaaradana ay dooneyso in ay wada shaqeyn  dhex marto Gobolada una gudbiso qorshaha horumarineed ee haatan horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka  ayaa kusoo dhamaaday jawi farxadeed, ayadoo ay labada dhinacba ay ku ballameen wada shaqeyn hufan.

Pr MOLSA meeting UNDP SIP 0  Pr MOLSA meeting UNDP SIP 2 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 3 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 4 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 5 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 6 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 7 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 8 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 9 Pr MOLSA meeting UNDP SIP 10Pr MOLSA meeting UNDP SIP 1