XAFLADDA XERITAANKA TABABAR LAGU BARANAYAY MAAMULKA KHEYRAADKA AADANAHA IYO XIRIIRKA MACAAMIISHA

Munaasabad lagu soo xirayay tababar ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada muddo 3 maalmood ah ayaa maanta lagu qabtay xarrunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kaasoo uu kasoo qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cusman Libaax Ibraahim  iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala ah Tabarrada, Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta iyo Shaqaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta.

Munaasabaddan sida heerka sare ah loosoo agaasimay ujeedkiisuna ahaa in shahaado-sharaf lagu guddoonsiiyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo si wanaagsan u dhameystay tababar ku saabsanaa Maamulka Khayraadka Aadanaha iyo Maamulka Xiriirka Macaamiisha ayagoo sameeyay aqoon is-waydaarsi iyo inay dib ugu faa’ideeyeen casharadii ay soo qaateen martidii kasoo qayb gashay xafladda xeritaanka.

Tababarkan ayaa waxaa bixineysay hay’adda CESEPSO taasoo Wasaaradda ka caawisa had iyo jeer bixinta casharro muhim u ah shaqaalaha Wasaaradda sida sare u qaadista tayadooda.

Wasiir ku xigeenka Cusman Libaax Ibraahim oo ka faa’ideysanaaya fursaddan shaqaalaha oo idil ay isugu yimaadeen ayaa waxuu ka waaniyay shaqaalaha soo xaadiris la’aanta soo laalaabatay, taasoo uu sheegay hadda kaddib in si adag lala xisaabtami doono shaqaalaha, hadalladiisina waxaa kamid ahaa: “Waxaa cabasho ka helnay shaqaalaha kuwa kamid ah ee ka cabanaayay mushaharka kasoo daaha had iyo jeer, balse waxaa kasii daran taasi inaysan ogeyn shaqaalaha ayagana xaqii lagu lahaa ee ahaa inay soo xaadiraan, waxaan uga digayaa maanta kaddib inaysan fududeysan shaqaalaha maqnanshiyahooda, waxaa jiri doono xisaabtan adag maalmaha soo socda, sidaa datreed hala feejignaado hana lasoo xaadiro”.

Ugu dambeyn gabagabadii xafladda ayaa waxaa Wasiirka uu guddoonsiiyay Shaqalaaha Shahaadadii ay ku muteysteen qaadashada Tababarkan, kaddibna waxaa uu soo xeray xafladdii.

banadir training 3