Xaflada furitaanka wada dhiska Xannano ee mashruuca shaqo siinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 2016 ayaa ka furmay Magaalada Baydhabo  

Xaflada furintaanka mashruuca waddo dhiska ayaa Ujeedkiisa ahaa hawlgal lagu  hubinayo lana cadeeyo  diirad saarid mashruuca lagu sameeyey heerar la isku raacay

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo ururka shaqaalaha caalamiga ah  ( ILO) iyo Maamulka deegaanka ayaa xaqiijiyay in mashruuca waddo dhiska ee Xannano ay hagaagtay sarana u qaaday adeega gadiidka rayidka waxaana yaraan doona qarashaadkii gaadiidka iyo waqtigii dheeraa ee jidka lagu jiraayey xiliga safarka, waxaa kaloo hagaagi doono amaanka wadada taaso ugu danbayn hormarin doona bulshada ku dhex nool goobta mashruuca ka hirgalay.

Xaflada furitaanka mashruuca waddo dhiska xannano eemashruuca shaqo siinta dhalinyaradda Soomaaliyeed 2016 Baydhabo ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ay kamid ahaayeen

1- ku simaha madaxwaynaha ahna afhayeenka barlamaanka mudane Cabduqaadir shariif sheekhuna

2-mudane Jeylani Sheekh maxamed xasan -ISWA MOLSA Minister

3-madaxa farsamada ururka shaqaalaha caalamiga ee (ILO)  injineer ciise

4- Lataliyaha farsamada wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane cadoow maxamed cadaan

5-Hon. Hassan Hussein-ISWA DDR Minister

6- Duqa magaaladda baydhabo mudane Cabdulaahi cali watiin

7-Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaraadda shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Cabdirisaaq macalin cilmi.

412 dhallinyara ah ayaa ka faa’iideystay mashruuca kuwaasoo degmada Baydhabo ku nool. Inta badan dadka isticmaala wadada Xannano ayaa ah dadka ku lug leh ganacsiga , hawlaha beeraha iyo Dadka Gudaha Ku Barakacay , iyo kuwa doonaya adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka . Mashruuca ayaa  hagaajiyey dakhliga qoyska iyo ladnaanta iyada oo kor u kacay helitaanka suuqyada iyo adeegyada bulshada ..

Ku-simaha Madaxweynaha ahna afhayeenka baarlamaanka  Mudane Abdikadir Shariif Shuukhunaa iyo duqa magaalada Baydhabo  ayaa ku qancay mashruuca wada dhiska  Xannano iyo  kuna riyaaqay  doorka ururka shaqaalaha caalamiga ah  (ILO)  iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada . Duqa magaalada Baydhabo ayaa  ka codsaday  in ururka shaqaalaha caalamiga ee (ILO) inay sidoo kale bilaabaan mashaariic badan oo fursado shaqo ubuuri kara dhalinyarada.

 

Baidaba 6 Baidaba 5 Baidaba 4 Baidaba 3 Baidaba 2 Baidaba 1