Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Magacaabay guddiga Qabanqaabada 1da May 2015.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Magacaabay guddiga Qabanqaabada 1da May 2015.

1da may guddi

1da May: Xog ku saabsan Maalinta Shaqaalaha Aduunka.
Kowda May waxa loo aqoonsan yahay in ay tahay maalin xoogaga shaqaalaha caalamku u soo banbaxaan midnimadooda, heer caalami,
Waxa iyana aan meelsha ka maqnayn muruqmaalka iyo xoogsatada dalal faro badan in ay maalintaas u xusaan si la isu xasuusiyo qeynmaha ay shaqada u leedahay dal walba.
Xuska Maalinta shaqaalaha aduunka 1-da may ayaa si weyn loogu xusaay wadamo badan oo Caalamka ka mid ah inkastoo qaar ka mid ah shaqaalaha Wadamadaas aysan ahayn isu soo bixitaankooda mid farxad ah.

Taariikhda Xuska 1da May
1884, Xidhiidhka Ganacsatada Abaabulan (the Federation of Organized Trades) iyo Ururada Shaqaalaha (Labor Unions) ee dalka Maraykanka ayaa soo afjaray olole loogu halgamayey qofka shaqaalaha ah in aan xaq loogu lahayn in uu maalintii shaqeyo muddo ka badan 8 saacadood.

Wada hadalka iyo gorgortanka oo muddo soo jiidtamayey, ayaa Xidhiidhka Ganacsatada iyo Ururada Shaqaalahu ku dhawaaqeen in 1da May 1886 loo aqoonsado maalinta kama danbaysta ah ee loo jideeyey in shaqaalahu ay shaqeeyaan maalintii 8 saacadood oo keliya.

[youtube id=”CqlTG0pQgdQ” width=”600″ height=”350″]