Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsa midowga Yurub inta uu ku sugnaa dalka Kenya.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsa midowga Yurub inta uu ku sugnaa dalka Kenya.

Wasiir Salax Axmed Jamac oo soo gaaray magaalada Nainobi ee dalka Kenya kadib markuu kasoo laabtay shirka 106 aad ILo ee ku soo idlaaday magaaladda Geneva ayuu kulamo gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsa midowga Yurub inta uu ku sugnaa dalka Kenya, waxayna ka wada hadleen sidii gacan taageero loga geysan lahaa dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu mirodhal ahaa wada hadal midowga Yurub uu la yeeshay, “wasaaradda shaqada ayey ahmiyad iyo mudnaanta sare u tahay in hey’addaha dowladda shaqaalahooda kor loo qaado aqoontooda”.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is fahan labada dhinac.

pr MOLSA Wasiir jamac kenya 1