Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha Bulshada  oo la kulmay Mas’uuliyiinta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta

Abdirashiid Heydara August 8, 2017 Comments Off
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha Bulshada  oo la kulmay Mas’uuliyiinta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta

Kulan ay wada yeesheyn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo masuuliyiin ka socotay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta  ayaa looga hadlay wada shaqayn dhex marta wasaarada Shaqada iyo Akadeemiyada Cilmiga, ujeedadu aheyd  sidii dib loogu soo nooley lahaa  qoraalka afka soomaaliga xafiisyada dowladda iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ahaa mid laba geesood ah oo uu shir gudoominayey wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Saalah Ahmed Jaamac, waxaana ka soo qeyb galay  lataliyayaasha wasaarada oo ahaa ogaalaydii afka soomaaliga  qaabkii loogu shaqeyn jiray qoraalada xafiisyada Dawladda iyo Agaasimeyaasha  wasaarada dhanka Akadeemiyada waxaa hor kacayay Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Xuseen Nuur (Maax)  waxayna usoo bandhigayn labada dhinac  in ay wadaagaan qodobo dhowr ah.

Lataliyaha wasaarada mudane Daahir Xasan  Guutaale ayaa sheegay inay nasiib-wanaag tahay inay labada hey’addood ee kor xusan ay yeesheen iskaashi iyo wadashaqeyn dhab ah. Intaa kadib, Lataliye Guutaale wuxuu madasha ka aqriyey qodobo ilaa 6 qeeybood

1.   Diyaarinta Eray bixinta Qoraalka Afka soomaaliga in aan ka wada shaqeyno

2.   Eray bixinta Shuruucda Shaqada iyo Shaqaalaha

3.   Hagaajinta Qoraalada Xafiisyada Hey’adaha Dowladda

4.   Ku tababarida Madaxa maamulka iyo Saraakisha dowladda ku Shaqeynta Maamulka  Afka  Soomaaliga

5.   Hirgalinta in qof waliba oo shaqaale dowlad in ay qasab ku tahay in afsomaliga qori karo aqrina karo

6.   In la saxo lana soomaliyeeyo Magacyada iyo goobaha Boorarka Shaqada

Agaasimayaasha iyo lataliyayaasha wasarada ee  kasoo qayb galay Kulanka ayaa sheegay in qoraalada kasoo baxa xafiisyada dawlada lugu qoro afka soomaaliga lagana reebo afka qalaad ay isku raacsan yihiin.

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Xuseen Nuur (Maax) oo isna Kulanka ka hadlay ayaa kunuux-nuuxsaday taariikhdii ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya markii 1975 la hirgaliyey Akadeemiyada, haatana dib looso celiyey burburkii ka dib wuxuuna sheegay in ay tahay bilaw ayna ku howlan yihiin horumarinta Akadeemiyada wuxuuna yiri ” waxaan idinkugu nimid in aan idin dareensiino dawrka wada shaqayn ee u dhexeeya  akadeemiyada iyo wasaarada shaqada waxaan diyarinay 1000 kun erey bixin oo haatan u baahan in xafiisyada dawlada loo adeegsado iyo in la isku waafaqo qoraalka ereyada qaar”.

Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyey lix qodob oo ay u xilsaaran tahay akadeemiyada oo kala ah:-

1.   Cilmi baaris dalka oo dhan

2.   Hormarinta afka soomaaliga

3.   Akadeemiyada Waxeey masuul ka tahay Buug waliba oo la qoro in iyada la soo marsiiyo

4.   Akaddemiyada waxey masuul ka tahay ilaalinta Gooobaha Qadiimiga ahaa

5.   Akademiyada Waxey masuul ka tahay Raadadka dadkii hore hadii meel wax lagu tuhmo iyadaa ka masuul ah

6.   Akadeemiyada waxey masuul ka tahay Arrimaha Dhaqanka

Pr Molsa meetin Akademiyada 01

wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Saalah Ahmed Jaamac, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dib u soo nooleynta Akadeemiyada oo uu ku tilmaamay inay tahay mid wax weyn ka tari karta howlo badan oo shacabka uga baahan yahay taariikhda qoran ee shaqaalaha dalka, islamarkaana ay la shaqeynayaan.

wasiir  Saalax ayaa ku booriray shaqaalah in laga faa’ideysto  Akadeemiyada waxuuna yiri

” waxeynu rabnaa sidee loo kobciyaa tayada hey’adaha dowladda marka ay warqadaha qorayaan shaqaalaha Dowladda iyo in laga faa’ideysto

Xirfadaha ay qabtaan Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suuganta oo ah sidan hoos ku qoran”.

1.   Eray bixinta

2.   Tifatirka

3.   Faaf reerbka

4.   Wacyigalin

5.   Cilmi baaris

6.   Tababaradda

kulanka  oo ku idlaaday  jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa  suugaan badan laga maqlayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Pr Molsa meetin Akademiyada 2

Pr Molsa meetin Akademiyada 3

Pr Molsa meetin Akademiyada 0 Pr Molsa meetin Akademiyada 1

Comments are closed.