Wasiirka Shaqada oo guddi u saaray inay ka soo talo bixiyaan  qoraalka siyaasadda Shaqo u Abuurka Soomaaliya. (National policy employment for Somalia )

 Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xildhibaan  Saalax Axmed Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulanka guddi hore loogu saaray inay ka soo talo bixiyaan  qoraalka siyaasadda Shaqaalaynta qaranka kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira  Shaqo u Abuurka Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha shaqo Abuurka.

Kulanka ayaa ka soo qeyb galeen   Xoghayan joogtada,  Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo  Lataliyeyaasha wasaaradda,  waxaana dood dheer laga yeeshay qodobadii looga hadlayay.

Lataliyaha Dhanka farsamada Mudan Cabdi Issakh ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo meel marin karo  siyaasadda Shaqaalaynta qaranka (NEP) waxuuna  tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin qodobada qaarkood in aad looga taxadiro si loo waafajiyo shuruucda dalka gaar ahnaa sharciga shaqaalaha rayidka  Soomaaliyeed .

Sidoo kale wuxuu soo jeedintiis ku sheegay caqabadaha jiro inee ugu horeeso xog la’aanta suuqa shaqda, dhamaan siyaasadaha hey’adaha oo aan mideesneen iyo sidii leesu keenilahaa hey’adaha ku howlan shaqo abuurka dalka.

Ugu danbeyn, wasiirka shaqada iyo arimaha bulshadda  ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha siyaasadda Shaqaalaynta qaranka , isla markaana cid waliba ay quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog oo lugu hormarinayo siyaasadda Shaqaalaynta qaranka. (Developing national employment policy for Somalia)

“waxan doonayaa in la dhamaystiro qoraalka siyaasadaha shaqada ee qaranka. Bishan Oktoobar 2017 dhamaadkeeda si aan ugu gudbiyo golaha Wasiirada, sharaxaadna ka bixiyo wejiyada kala duwan ee horumarinta (NEP)” ayuu yiri wasiir  Saalax Ahmed Jaamac.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday  in lagu dheeraado ka hadalka  muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigan ka shaqeynaya siyaasadda Shaqaalaynta qaranka Soomaaliyeed.

Pr MOLSA MEETING 0 Pr MOLSA MEETING 1 Pr MOLSA MEETING 2 Pr MOLSA MEETING 3 Pr MOLSA MEETING 4