Wasiirka Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada oo shir la qaatay mas’uuliyinta Sare ee Hey’adaha WFP iyo Unicef  ee Soomaaliya

Shir  ay marti-gelisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo  ahaa mid looga hadlayay horrumarinta  Arrimaha Bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dhexe ee wasaaradda shaqada ee Muqdisho.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Shir-gudoomiyaha shirka ayaa  ku  soo dhoweeyay mas’uuliyinta Sare ee Hey’adaha WFP iyo Unicef  iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda, waxaana kamid ahaa Agaasimaha  Waaxda  Arrimaha Bulshada  Cabdulaahi Adan, Agaasiamaha  Waaxda Shaqaalaha  Saciid Adan  Mire , Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud ( PR) Cabdirashid Cabdulahi Xeydar,  Ruby Khan (programmer policy officer WFP Somalia) , L. Bukera  WFP iyo Steven Lawerien  oo ka socday hey’ada Unicef iyo   Fardusa  Cabdullahi lataliso arrimaha Bulshada  iyo   Ubax Mahamed Nuur oo ah qabiirad farsamo MOLSA.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada ayaa war bixin Kooban  ka siiyay mas’uuliyinta Sare ee Hey’adaha WFP iyo Unicef  ee Soomaaliya  xaalada arrimaha bulshada, sida u sameyta  Siyaasada Bulshada iyo Suuqa shaqada (Social Policy and labor market).

Waxuuna aad ugu dheeraaday wasiirka doorka shaqo ee  wasaaradda ka dooneyso hey’adaha ku hawlan arrimaha Bulshada, waxuuna tilmaamay qeyraadka dalka in looga faa’ideeyo Bulshada Soomaaliyeed sida  Beeraha  Xoolaha iyo Kaluumeysiga oo laf dhabar u ah dalka.

Wasiirka ayaa su’aalo kala gedisan weeydiiyay mas’uuliyiinta hey’adaha WFP iyo Unicef oo aheyd sida ay waxa ugu qabtaan bulshada ku dhaqan Miyiga iyo magaalooyinka ka baxsan caasimada Muqdisho.

L. Bukera  WFP  oo ka  hadlay shirka ayaa sheegay in ay muddo dheera soomaaliya ka shaqeynayee waxuuna yiri “ meelo badan ayaa ka shaqeynaa oo soomaaliya ka tirsan waxaana xiriir badan la yeelanay Wasaarado kala duwan oo naga caawiya u adeega bulshada  Soomaaliyeed balse wasaarada shaqada iyo arrimaha  Bulshada aad ayuu u yaraa xiriirkeena, waxaan rajeynayaan in wada shaqeyn fiican na dhex mari doonto sanadka 2018” ayuu yiri Mr. L. Bukera  WFP .

Unicef Mr. Steven Lauwerian oo aad ugu faraxsanaa la kulanka  Wasiirka wasaarada Shaqada ee MOLSA ayaa yiri “ waxaan ka hadlayaa qeybo badan gaar ahaan howlaha UNicef Somaliya,  waxaan la shaqeyanaa  wasaaradda Haweenka iyo kuwo kale waxaana hal beeg inoo ah Caruurta  soomaaliyeed in aan caawino, mashruuca (child protection) hadaba   wada shaqeynta  wasaaradan waxay noqon kartaa ka hortaga  ku shaqeysiga  Carruurta (Child labor ) iyo caruurta Naafada ah ( Child disable ) IWM.”ayuu sheegay  Mr. Steven, waxuuna  intaa sii raaciyay in uu la shaqeynayo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka oo hadalkiisaa sii wata ayaa u  sheegay mas’uuliyiinta hey’adaha WFP iyo Unicef  in ay qorshaha qaran (NDP) ku  qoran yihiin hiyiin  horumarinta bulshada Soomaaliyeed taas ayaa ah halka laga ambaqaadayo howlaha inoo yaal. Waxaana idinka  sugeeynaa  wada shaqeyta dhanka Arrimaha Bulshada oo u dhaxeysa guddiga  farsamo (technical team) iyo Lataliyeyaasha  (Consultants ) ee labada dhinac Hay’adaha iyo  wasaaradda Shaqada iyo Arrmaha Bulshada.

“Sanadkii tagay wasaaradda waxey xiriiro badan la yeelatay bulshada si ay u ogaato baahiyaha ay qabaan. Sanadkan 2018 waxaan rajeynayaa in aan shaqo wax ku ool ah laga qabto arrimaha Bulshada”. Ayuu yiri wasiirka

Ugu dambeynti labada dhinac Wasaarada iyo Hey’adaha WFP iyo Unicef    ayaa waxey isla garteen inay ka wada  shaqeeyaan  arrimaha Bulshada  Soomaaliyeed

WFP UNICEF MOLSA meeting 2WFP UNICEF MOLSA meeting 8WFP UNICEF MOLSA meeting 1  WFP UNICEF MOLSA meeting 3  WFP UNICEF MOLSA meeting 5 WFP UNICEF MOLSA meeting 6 WFP UNICEF MOLSA meeting 7 WFP UNICEF MOLSA meeting 4 WFP UNICEF MOLSA meeting 9

WD

Ag. Xiriirka Guud MOLSA