Wasiirka Shaqada iyo Arr. Bulshada oo daah furayey Kulanka wadatashiga siyaasadda Qaran ee tababarada shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed

Kulankan, ayaa ahaa wajigii koowaad ee lagu daahfuray Wadatashiga Siyaasadda Tabaradda Qaranka, kaasi oo muddo aad u fog ay ugu dambeysay in la isku howlo ama laga wada hadlo.

Madasha kulankan ayaa la dhigay Xaruunta dhexe ee wasaaradda Shaqada magaaladda Muqdisho , waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Saalax Axmed jaamac.
Kulankan waxaa kasoo qeyb galay Agaasimeyaasha tabarada ee 26 ka Wasaaraddood ee XFS, Wasiirka Shaqada ee KG, Wasiirka Shaqada ee Hirshabeelle, La-taliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka oo kala ah Dr. Nerys Irving Jones iyo Giulio de Tommaso oo ah qabiiro UNDP-da usoo xilsaartay diyaarinta Siyaasadda Tabaradda Qaranka ee Soomaaliya.

Waxaa hadalka daahfuray Agaasimaha Waaxda Tabarada Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ismaaciil Macalin Cabdullaahi, isagoo si diirran u soo dhoweeyay kasoo qeybgalayasha kulanka, waxuuna si kooban uga warramay ujeedka kulanka, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay daahfurka Wadatshiga Siyaasadda Tabarada Qaranka, caqabadaha shaqo ee soo laalaabtay owgeed ayuu sheegay Agaasimaha in la door biday in xal loo helo, lagana bilaabo qeybaha ugu muhimsan ee uu ugu horreeyo Tababarka Shaqaalaha Rayidka lana hirgeliyo Siyaasadda Tababarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, ayaa salaan iyo soo dhoweyn kaddib waxuu yiri:-

“Maanta waxaan isugu imaanay inaan ka baaraan dagno ama aan isku afgaranno Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxaan kasoo shaqeeyay Hay’adaha Dowladda kuwooda kala duwan, waxaana arki jiray tababarro cayyiman ee ujeedda gooni ah laga lahaa ee ma arkin Siyaasad Tababar ee jirtay ama la hergeliyay, Haddaba waa inaan isku afgarannaa sida loo heli lahaa Siyaasaddaas Tababar ee hirgasho, Shaqaalaha Rayidka waxey xaq u leeyihiin in kor loo qaado xirfaddooda” ayuu yiri wasiir Saalax

Trianing Policy MOLSA 3Trianing Policy MOLSA 0  Trianing Policy MOLSA 2  Trianing Policy MOLSA 4 Trianing Policy MOLSA 5 Trianing Policy MOLSA 6 Trianing Policy MOLSA 7 Trianing Policy MOLSA 8 Trianing Policy MOLSA 9 Trianing Policy MOLSA 10 Trianing Policy MOLSA 1Trianing Policy MOLSA