Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kormeer ku tagey xarunta Machadka Daryeelka Naafada iyo Xarunta  Tababarka (TVET Somali).

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa kormeer ku tegey xarunta Machadka Daryeelka Naafada iyo Xarunta Tababarka  (TVET Somali).

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ka koobnaa Agaasimaha Guud ,Agaasime yaasha Waaxyaha  ayaa Wasiir ku xigeenka kormeerkan ku weheliyey.

Xarunta tababarka (TVET Somali) iyo Machadka Daryeelka Naafada oo daggan degmada Hodan ee Magaaalada Muqdisho ayaa la filayaa in lagu qabto tababarradaas kala ah, Xirfad Shaqo u abuuris ah, barasho Harqaano iyo computer oo ay ka faa’iidaysan doonaan  Dhallinyarada Soomaaliyeed.

 

Agaasimaha waaxda Tababarrada Wasaaradda mudane Ismaaciil Macallin Cabdullaahi ayaa ka war bixiyay Qalabka yaalla Xarunta oo ay soo gaarsiiyeen Hay’adda fadhigeedu yahay dalka Iran ee Imaamul Khumeyni oo ku soo  deeqday 50 Harqaan iyo 10 Kumbuter oo ay ugu talagaleen inuu ku hirgalo mashruuca Xarunta Machadka Daryeelka Naafada iyo Tababarka

(TVET Somali).

 

Agaasimaha Machadka Daryeelka Naafada Maryo Safiyo Abuukar Karraani ayaa uga war bixisay Wasiir ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda ee soo kormeeray Machadka, “ mudane Wasiir ku xigeen  Machadka waxaa soo gaara Deeqyo kala duwan oo ay inoo keenaan deeq bixiyeyaal Soomaaliyeed iyo Ajnabi, waxaa ka mid ah Hay’adda  Bisha Cas ee Turkiga oo Sariiro iyo Bustooyinkan ina soo gaarsiiyay waxayna ka mid yihiin Agabkii ugu dambeeyay ee soo gaara Machadka bishan March 2015.” Sidaasna waxaa tiri Ag. Safiya Abuukar Karraani.

 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Aweys Sheekh Xadad ayaa sidoo kale Wasiir Ku xigeenka si guud war bixin uga siiyay Taabbo gelinta Xarumaha Machadka Daryeelka Naafada iyo Tababarka

(TVET Somali). “ Shirkii aan ugu qeyb galay Nairobi Kenya  waxaa looga hadlayay shaqo u Abuurka Dhalinyarada, Naafada iyo dadka danta-yar ee Soomaaliyeed  waxaana shirkaasi lagu sheegey in loo abuuri doona shaqo kala duwan sida Xirfadaha Alxanka , Harqaamaha, Faryaamada iyo wax yaabo kale, ayna ka faa’iidaysan doonaan in ka badan 200 adray Saddaxdii biloodba.”

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in ujeeddada koowaad ee kormeerkani tahay sidii loogu kuurgeli lahaa xaaladda guud ee Xarumaha Wasaaradda leedahay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay qiimeynayeen qaabka Shaqo ee xaruumaha Machadka Daryeelka Naafada iyo Tababarka (TVET Somali). Hawlgalkooda.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa u mahadceliyay hawl-wadeennada xarumaha la kormeerayay, waxuuna la sheekeystay dadkii Naafada ahaa ee  ku sugnaa Machadka Daryeelka Naafada, isaga oo mid mid u weydiinayay waxa ay ka bartaan iyo in ay ku faraxsan yihiin Machadkan.

Ugu dambeyntii, Wasiir ku xigeenka ayaa guddoonsiiyay agab, una qeybiyay qaar ka mid ah dadkii Naafada ahaa ee ku soo dhaweeyay Machadka Daryeelka Naafada bustooyin deeq ah, waxuuna sheegay inuu qayb weyn ka qaadan doono baahida ay qabaan danyarta iyo Naafada Soomaaliyeed.

 

Kormeerka lagu tagey xarunta Machadka Daryeelka Naafada iyo Tababarka (TVET Somali) ayaa ku soo dhamaaday farxad, iyo dhiirro-gelin ay heleen mas’uuliyiinta iyo dadkii ku sugnaa Xarumaha la kormeeray.

 

Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta

 Tvet  Somalia 1 Tvet  Somalia 2 Tvet  Somalia 3 Tvet  Somalia 4 Tvet  Somalia 5 Tvet  Somalia 6 Tvet  Somalia 7 Tvet  Somalia 8 Tvet  Somalia 9 Tvet  Somalia 10 Tvet  Somalia 11 Tvet  Somalia 12 Tvet  Somalia 13 Tvet  Somalia 14 Tvet  Somalia 15 wasiir ku xigeen  1