Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada   marnaba wax cabasho ah kama soo yeerin  umana soo bandhigin bahda saxaafada.

 waxaa la yaab leh website-yada kala ah Caasimada.net  iyo Goobjooge.net halka ay ka keeneen warka been abuurka ah oo lagu bahdilayo Wasaaraddda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ay ku baahiyeen baraha bulshada,   taasina maaha mid sax ah ay soo bandhigaan website-yadaasi waana been la soo dhoodhoobay oo sal iyo raad  laheyn.

shalay oo ay taariikhda aheyd 11/6/2017 Wasaaradda shaqada waxay qabatay shir  jaraa’id lagu soo bandhigay waxii u qabsoomay iyo waxa u qorsheysan wasaarada   ee lagu horumarinayo howlaha shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed.

[youtube id=”bgJUVgWjFpY” width=”600″ height=”350″]

wasiir ku xigeenka  wasaaradda shaqada  Xil. Cabdicasis   Saalax Carmaan oo dhiiro  gelinayay mas’uuliyiinta  wasaaraddda kuna bogaadiyay howlaha ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed waxuu sheegay in kormeerka wasaaradaha iyo dar dar gelinta  shaqada lagu howlanaado   waxuuna tusaalle u soo qaatay RW waxuuna  yiri “Ra’iisal wasaarihii dhammaa ee dalka ayaad arkeysaa isagoo wasaaradaha tegaya, shaqaalihii wareysanaya, taas anaga ayey ihaano nagu tahay, waxaa la doonayaa in aan fadhiga ka kacno oo aan gudano howlaheyna shaqo” .

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada  waxuu hadlkaasi uga dan lahaa guubaabin  mas’uuliyiinta wasaaradda  shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Soomaalida waxay ku maah maahday (HADAL NIN SI U DHEH NINNA SI U QAADAY )

sidaa daraadeed waxaan leenahay bahda Saxaafadda haka fiirsadeen waxa ay ku qorayaan (website yada iyo social media )

Fiir been abuurka Riix Links hoose

http://www.caasimada.net/wasiir-sheegay-in-rw-kheyre-uu-faragalin-baan-ku-hayo-shaqooyinkii-loo-igmaday/

http://goobjooge.net/wasaaradda-shaqada-oo-sheegtay-inuu-shaqadeedii-la-wareegay-raiisal-wasaare-kheyre/

https://www.facebook.com/Goobjooge/