Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka qeyb galay Xafladda Sanad guuradii 1-aad ee Dib-u-howl galinta Ururada shaqaalaha Dawladda.

 Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil- Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka guud ee Ururada Shaqaalaha dawladda. xafladan ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka ururka oo sanad jirsaday iyo u mahad celinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Khayre oo ahmiyad wayn siisay shaqaalaha dawladda.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil- Carmaan, ayaa ka mahad celiyay ka soo qaybgalka Ra’iisul Wasaaraha ee munaasabadan, wuxuuna shaqaalaha ku dhiirigaliyay in ay labalaabaan dadaalkooda, ayna hormariyaan waayo aragnimadooda iyo khibradooda shaqo si dalka uu hormar u gaaro.
Wasiir ku xigeenka Shaqada oo qudbad ka jeediyay munaasabada ayaa u qorney sida soo socota:

HORUDHAC

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Marka koobaad ALLAH ayaa mahad iska leh, waxaana farxad weyn ii ah inaan idiin kala soo qeybgalo munaasabaddan.

Sida aad la socotaan Shaqaaluhu waa muruqa iyo maskaxda ummadeenna ee lagu meelmari karo, isla markaasna waa lafdhabarta dhaqan dhaqaale iyo furaha horumarinta dawladnimada, kaa soo saldhig u ah sare u kaca heerarka mustaqbaleed ee wadankasta ku horumari karo,
sidaa awgeed; Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaliyeed waxey lagama maarmaan u aragtaa in shaqaalaha ahmiyad gaar ah ay leeyihiin.

Waxaan u halgameynaa Gaaridda iyo Xaqiijinta u sinnanta shaqo helista ee dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo u adeegga Bulshada si dhammeystiran, taasoo ka dhalan karta helista xuquuqda shaqaalaha iyo dhamaan Bulshada inteeda kale, intaasoo isbiirsatayna waxey noo horseedi doontaa nolol dhan kastaba ka wanaagsan maaddi iyo macnawi ahaanba.

Wasaaraddeennu waxey ku taameysaa iney la meel mariyo Shuruucdi iyo Siyaasdaha ay dajisay sanaddadi lasoo dhaafay waxeyna ka mid noqon doonaan hindisi sharciyeedyo la horgeyn doono Golaha Shacabka (Baarlamaanka).

Wasaaraddu waxey xiriir dhow la leedahay bulshada rayidka, shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahy iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl-gala dalka iyadoo ay ka soo xareyso dhaqaale mug u leh dowladda tusaale ahaan sanaddii tagtay waxey Ruqsad-siinta Ajaanibta ka soo xareysay in ku dhow hal milyan oo doolar taasoo ah waxyaabaha ay ku faani karto Wasaaradda.

XAALADDA SHAQALAAHA

Shaqaalaha dowlada Soomaaliyeed waxey soo mareen xilli laga faano in la sheegto shaqaale dowladeed, laga hadli karin idaacadaha, lagana dhuunto bulshada qaar ka mid ah in ay ogaadaan shaqaalenimada, alxamdulilaah hada waxaa la maraayaa taasi baddalkeeda in lagu faano shaqaalanimada Dowladda oo ay dhalisay dadaalka dheer ay u gashay Dowladdan oo ay horkacayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre in lagu kalsoonaado Dowladda

Sidaa darted, waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinaayaa xukuumadda oo bixisay dhammaan mushaharkii shaqaalaha Dowladda ee sanadkii 2017.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaayaa xafiisyada fududeeyay bixinta mushaharaadka sida Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka iyo Bankiga Dhexe oo runtii marwalba si dhaqsi ah u gaarsiinayay Shaqaalaha.

Waxaan xusuusinaayaa shaqaalaha hadii ay heleen mushaharaadkooda in ay gutaan waajiboodkooda shaqo oo qof walba oo shaqaala ah uu xil iska saaro shaqadii loo igmaday.

TAYEYNTA IYO SARE U QAADIDDA AQOONTA SHAQAALAHA HAY’ADAHA KALA DUWAN EE DOWLADA

Tababbarrada waxey ka mid yihiin waxyaabaha aasaasiga u ah waxqabadka arrimaha Shaqaalaha, waxuuna dowr weyn ka cayaaraa sare u qaadidda aqoonta, xirfadaha iyo awoodda waxqabadka shaqaalaha.
Waxaan jira Tababbaro kor loogu qaadaayo aqoonta Shaqaalaha Dowladda oo ay ka faa’ideysteen muddadii gaabneyd ay soo jirtay Xukuumaddan ee sanaddi tagtay 2017.
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo u igman Horumarinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa Qorshaheedu yahay in ay sare u qaaddo qaabka Tababbarrada Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda iyadoo u mareyso hab qorsheysan ee Tababbareed.

Wacyigelinta Shaqaalaha

Shaqaalaha Dowladda waxaan u sameynay barnaamij wacyigelin ah si ay uga qeybqaataan horumarka dalka, kaasoo aan hoggaan uga dhignay Guddi lagasoo xulay Shaqaalaha Dowladda.
“Waxaan rabaa Shaqaalaha Dowladda in ay ka qeybqaataan wax soosaarka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, taas ayaana muhiimad gaar ah inoo leh ka Wasaarad ahaan, sidoo kale waxaan qabsan karnaa wax badan haddii aan u wada shaqeyno si wadajir ah, waxaa kaloo nagala rabaa inaan ka qeybqaadano ammaanka dalka iyo difaaciisaba waana muhiimadda ugu weyn meel walba oo aan joogno

Arrimaha Bulshada

Waajibaadka Wasaaradda ayaa waxaa kamid ah ka shaqeynta Arrimaha Bulshada iyadoo xoogga la saaraayo aasaaska bulshada sida; Horumarinta iyo Tayeynta Naafada, Xirfad u abuurista iyo Tababbarada Naafada iyo Wacyigelinta iyo Taakuleynta Agoonta iyo Darbijiifyada.

GABAGABO
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey hiigsaneysaa in ay dabar gooyso shaqo la’aanta ka jirta dalka taasoo ah hadafka la rajeynaayo inuu xal u noqon karo xaaladda amaan darrida dalka ka jirta ee salka ku heysa kalsooni darro laga qabo Dowladnimada, iyadoo taas lagu saleynaayo aas aaskeeda dajinta iyo abaabulidda nidaam lagu daryeelaayo Shaqaalaha iyo cududda bulshada gaar ahaan kuwooda liita taas oo ugu dambeyn ka jawaabi karta shaqo la’aanta muddo ku baahsaneyd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo faham darrida dowladnimo ee bulshada.

Wasaaradda dhiirri galineysaa habsami u socodka wax qabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Hal ku dhiggeedu yahay “Nabad iyo Nolol”.

Waxaan leeyahay “Wadajirka Shaqaalaha waa Aas aaska Horrumarka Dhaqaalaha Dalka”.

Mahadsanidiin

Xil. Cabdicasiis Saalax Carmaan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

MOLSA and PUW 2

MOLSA and PUW 6

MOLSA and PUW 8

MOLSA and PUW 9MOLSA and PUW 7  MOLSA and PUW 5

  MOLSA and PUW 1 MOLSA and PUW 4MOLSA and PUW 01 MOLSA and PUW 0MOLSA and PUW 11MOLSA and PUW 10MOLSA and PUW 3