Wasaaradda shaqadda iyo hay’adda Geopolicity oo Aqoon-isweydaarsi u qabatay mas’uuliyiin ka tirsan shaqaalaha dowladda

 

 Wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada oo kaashaneysa hey’adda caalamiga ah ee (Geopolicity) ayaa aqoon-isweydaarsi ugu qabatay mas uuliyiin ka tirsan shaqaalaha dowladda Hoteelka Jaziira ee magaaladda Muqdisho . aqoon-isweydaarsiga ayaa  looga hadlay  hanaanka  shaqo abuur logu sameyn lahaa dhalinyaradda ka soo qalin jebisay jaamacaddaha dalka Soomaaliya.

Ka qayb-galayaasha aqoon-isweydaarsigaan ayaa isku dhaafsaday fikrado iyo doodo ku saabsan sidii loo heli lahaa hab mideysan oo  ay ugu faa’ideysan lahaayeen mashruuca dhalinyaradda ka soo qalin jebisay jaamacaddaha oo  socon doona mudo shan sano ah oo ay howl  wadaagayaan  hey’adda (Geopolicity) iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.

Furitaankii kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimayaal  iyo madax qeyb  ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, la taliyeyaasha  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  iyo Mas’uuliyiin ka socotay Hey’adda Geopolicity.

 geopolicity-for-somalia

Agaasimaha Shaqaalaha iyo Shaqo abuurka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Mudane Cabdirisaaq Macalin Cilmi  oo hadal ka jeediyay furitaankii kulanka ayaa sheegay in aqoon-weydaarsigu ay  iska kaashadeen qabsoomidiisa mas’uuliyiinta labada dhinac ee Geopolicity iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxa sarkaalka fulinta hey’adda Geopolicity Mr. Peter J. Middlebrook oo ahaa fududeeyaha aqoon-isweydaarsiga  ayaa yiri “Mashruucan ayaa qeyb ka ah howlaha uu maal gelinayo Bangiga Aduunka (WB). Geopolicity Waxay qeyb ka tahay haya’daha dar dar gelinayo mashaariicda lagu taageerayo shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya”.

Cashirada aqoon-isweydaarsiga ayaa ku saleysnaa aragtiyo kala duwan sida wax kabadalka maamulka guud (PAR) ,wax kabadalka adeega rayidka (CSR) iyo guud ahaa maamulka cusub (NPM) oo ku saleysnaa ka dhaadhicinta qaabkii loo heli lahaa shaqo abuur ku jiheysan  dhalinyaradda ka soo qalin jebisay jaamacaddaha.

Aqoon isweydaarsiga ayaa ku soo idlaaday jawi is fahan oo labada dhinac sidii ay ugu guuleysan lahaayeen mashruuca shaqo u raadinta dhalinyarada jaamiciyiinta ah ee Soomaaliyeed.

molsa-and-geopolicity-1 molsa-and-geopolicity-2 molsa-and-geopolicity-3 molsa-and-geopolicity-4