WASAARADDA SHAQADA OO MARKII UGU HOREYSAY ZAMBIA KAGA QAYB GASHAY SHIRKA XARUNTA MAAMUL GOBOLEDKA SHAQADA AFRIKA EE (ARLAC).

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa kulan caalami ah kaga qayb gashay dalka zambia.

shirkan oo lagaga hadlayay shaqada hufan (Decent Work) iyo silsilada taageerada caalamka ee shaqooyinka afrika ayaa waxa Somaliya ku soo marti qaaday Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dalka Zambia in ay ka soo qeyb galaan kalfadhiga 42baa ee caadiga ah ee xarunta maamul goboledka shaqada afrika (ARLAC).

ARLAC 0

Soomaaliya waxaa shirkaasi ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar.

Hadaba warbixin kooban oo uu qadka telfoonka ku soo gaarsiiyay Agaasimaha guud xafiiska Xiriirka guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa u dhacay sidan;
waxa uu shirku ku saabsanaa shaqo fiican iyo isku xirka ugu salhlan shaqooyinka afrika, kaas oo ahaa kalfadhigii 42 ee ARLAC oo dalka Zambia lagu qabto,
waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin faro badan oo ka mid ah wadamada Afrika ee luqada Englishka ku hadla, waxaana furtay kulanka Madaxweynaha dalka Zambia.
Agaasimaha guud Mr. Maxamed Cadde ayaa sheegay in uu shirka soconayo mudo 3 maalmood oo arrimo dhowr ah oo la filayay in laga doodo shirka.

waxuuna sheegay in madaxda ARLAC ay sheegeen wadashaqaynta siyaasadda dalalka xubnaha ka ah iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee sahayda caalamiga ah iyo shaqo hufan loo wajihi lahaa.

“ARLAC kor loo dhigay iyagoo waajibkooda uu ahaa in kor loogu qaado shaqo hufan ee gobolka xubinta ka ah. Fikradda ah shaqada hufan waa afar tiir oo kala ah 1. shaqo hufan 2. xuquuqda shaqada 3. ilaalinta bulshada 4.wada hadalka bulshada, “ayuu yiri.

Ururkan ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1974 iyo waxa taageeray Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).
Soomaaliya waa markii ugu horeysay ay ka qayb gasho shirka xarunta maamul goboleedka shaqada Afrika ee (ARLAC).
African Regional Labour Administration Centre (ARLAC)

ARLAC 03 ARLAC 022 ARLAC 4 ARLAC 3 ARLAC 2 ARLAC 02  ARLAC 01