Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo Gabagabeysey Tababar ku saabsan Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Somali Training & Consultancy Organization  (SOTCO) oo iskaashanaya ayaa  waxay tababar socday labba maalmood u soo gabagabeeyeen 80 arday oo wax ka barata Jaamacadaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho. Tababarkan oo ka  furmay  Hoolka shirarka  Jaamacada  Soomaaliya ee UNISO ayaa waxaa gabagabadiisa ka soo qeybgalay   mas’uulyiin  ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hey’adda SOTCO.

Ardayda Ka qayb gashay tababarka ayaa waxay ku baranayeen qaabka colaadaha looga diggo iyo sida looga hor tago iyo xalinta Khilaafadka. mid ka mid ah  Ardayda waxuu yiri “Waxaan ka faaiideeystay sida Garsoorka cadaalad uga shaqeeyn lahaa una saxi lahaa kiisaska loo keeno iney run yihiin iyo inkale kuwaas oo ah kuwa aan ka faaiidnay”.

Sidoo kale waxaa Tababarkaas Xiritaankiisa ka hadlay madaxa xiriirka tababarada Gudaha ee Wasaaradda shaqada Mr. Cismaan Cabdinuur Axmed (Hidig)  waxuuna yiri “ka wasaarad ahaan waxaa inoo  faa’iido ah in  afkaarta dadka la dhageysto iyo tababarada aynu  had iyo jeer ku sameyno gudaha, taasina waa Guul u soo hooyatay  Wasaaradda Shaqada”.

Mudane Cabdisamad  Adam Isaaq  Gudoomiyaha Somali Training & Consultancy Organization  (SOTCO) oo isna ka hadlay munaasabada ayaa yiri ” Tababarkan waxa uuna kusoo aaday xili ay  Ardayda iyo dhallinyarada aad ugu baahnayd in mar walba loo sameeyo workshop noocyo kala duwan tani waa talaabo hor leh oo ay qaadeen  mas’uulyiinta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hey’adda SOTCO, waxaan soo dhaweynayaa  wada shaqeynta labada dhinac”. Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Gabagabadii xaflada Tababarka ayaa waxaa soo xiray Agaasimaha  Waaxda Tababarada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Ismaaciil  Macalin Cabdulaahi  waxuuna  cod dheer ku sheegay hadaad aragto afar qof oo meel joogaan oo aad weydiiso maxaad rabtaan waxey ku leeyihiin nabad Sidaa darted waa in aan ku dadaalnaa Nabada iyo Dib u heshiisiinta .wuxuuna ugu dambeyn  u Mahadceliyey intii ku gacan siisey hirgelinta tababarkaan  isagoo Hoosta ka Xariiqey in Tababaro Noocaan oo kale ay ku qaban Ardayda Jaamaciyiinta ah.

 MOLSA and SOTCO work shop 2 MOLSA and SOTCO work shop 3 MOLSA and SOTCO work shop 4 MOLSA and SOTCO work shop 5  MOLSA and SOTCO work shop 7 MOLSA and SOTCO work shop 8 MOLSA and SOTCO work shop 9 MOLSA and SOTCO work shop 10 MOLSA and SOTCO work shop 11 MOLSA and SOTCO work shop 12 MOLSA and SOTCO work shop 13 MOLSA and SOTCO work shop 14 MOLSA and SOTCO work shop 15 MOLSA and SOTCO work shop 16MOLSA and SOTCO work shop 1MOLSA and SOTCO work shop 6