Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Siminaar   u soo xirtay ardayda Jaamacada Somaville

 Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Jaamacada Somaville oo ka dhexeeya barnaamij iskaashi  ayaa u soo xiray ardayda Jaamacada Somaville  Siminaar lagu baranaayey dawlad wanaaga (Good Governance) waxaana shahaadooyin la gudoon siiyey ku dhawaad 80 arday oo wax ka barata Jaamacada Somaville si ay u bartaan dawlad waanaga iyo muhiimada uu leeyahay.

Agaasimaha Waaxda Tababarada ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Ismail  Macalin Cabdullahi ayaa yiri: “tababarkaan waa mid muhiim u ah dhammaan dhalinyarada si ay u bartaan dawladwanaaga, waxuuna sharaxaad ka bixiyay qeexida saxda ah ee  Dawlad-wanaag (Good-Governance)

“Dawlad wanaagu Waa xiriirka u dhexeeya dowladda iyo bulshada. Waana qaabka ay dawladuhu u Horumariyeen ujeedooyinkooda dhaqan dhaqaale”.

“Waxa la yiraah is-xukunku (Good Governance) waa qofku inuu is ilaalinayo oo naftiisa ka adag yahay. Waayo waxa la yiraahdo maamul-wanaagu waa dad isku tagay in qofku mar kasta iska war hayo oo is xukumi karo oo halka aad marayso is xukumi karto”.

Astaamaha Dawlad-wanaaga  (Good-Governance).

1. Xilkasnimo.

2. Daah-fur.

3. Dhaqan-galka sharciga.

4. Masuuliyad.

5. Caddaalad iyo wadar u-joog.

6. Wada-tashi ama Raacid talo leysku darsado.

7. Ka qeyb-gelid buuxda.

8. Tayeyn iyo fir-fircooni hawlaha.dawladwanaaga oo ah

Agaasimaha Waaxda Tababarada ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Ismail  Macalin Cabdullahi ayaa u balan qaaday Ardayda in loo qaban doono tababaro la xiriira arrimaha shaqada.

Gaba gabadii xafladaan ayaa waxaa soo xiray wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  “waxaa idinku bogaadinayaa in aad wax badan ka faa’ideen casharada aad ku barateen Siminaarkan ee dawlad wanaaga  iyo in aad soo booqataan xarunta dhexe ee Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada”.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac , ayaa kala hadlay Ardayda  dhinaca aqoonta la xiriira, isagoo xoogga saaray sidii uu ardayda uga faa’iidayn lahaa aqoontooda iyo waxyaabaha horumar lagu gaari karo.

Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii ay usoo saari laheyd dhalinyaro taqaana dawlad wanaaga iyo dal jaceelka.

Molsa and Somaville University 1 Molsa and Somaville University 2 Molsa and Somaville University 3 Molsa and Somaville University 4 Molsa and Somaville University 5 Molsa and Somaville University 6Molsa and Somaville University 13 Molsa and Somaville University 7 Molsa and Somaville University 8 Molsa and Somaville University 9 Molsa and Somaville University 10 Molsa and Somaville University 11 Molsa and Somaville University 12