Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Shir Wadatashi ah u qabatay Shaqaalaha Mashruuca YES ee Maamul-goboleedyada.

Shirkani ee loo sameeynayay Shaqaalaha Mashruuca Shaqo-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed YES (youth Eployment Somalia) ee ku saabsanaa isuduwidda Shaqalaha Maamul-goboleedyada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS ayaa waxuu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mudnaanta shirkani ay laheyd Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxey u marti galisay shirka si maamuus leh, waxaana ka soo qeybgalay madasha shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, La taliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Shaqaalaha Barnaamijka Shaqo-siinta Dhallinyarada Sooomaaliya (YES) ee Maamul-goboleedyada iyo xubno ka tirasan Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa daahfuray shirkan, asigoo kaga hadlay Shaqaalaha Mashruuca YES arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin in Gobol walba uu leeyahya kheyraad u gaar ah ee shaqo laga abuuri karo sida; Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeysiga taasoo faa’ideyn karto in shaqo looga abuuro Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxuu sidoo kale Agaasimaha Guud uu sheegay in ay Soomaaliya ka mid tahay wadamada burburka uu saameeyay loona baahan yahay sidii looga samatabixin lahaa, maantana la taagan yahay dowrka Dhallinyarada sidey uga qeybqaadan lahaayeen Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Dalka.

Kooshin Korfaa Gaarane oo ah Isu-duwahaa Barnaamijka haqo-siinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee YES ayaa waxuu ka warramay muhiimmada shirkani waxuuna yiri: “Anigoo u matalaaya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mashruucani ayaa waxaan xusaayaa dowrkeenna inuu yahay kaliya isku-xirka Wasaaraddeenna iyo Xafiisyada ay ku leedahay Maamul-goboleedyada, waxaana shirkan u qabannay si aan u muujinno xiriirka u dhexeeya xafiisyada Shaqada ee Maamul-goboleedyada iyo Wasaaraddeena.

Prof. Yuusuf Salaad Warsame oo ka mid ah La taliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa kamid ahaa Howlwadeennada barnaamijkan, asagoo ka hadlay shirkana waxuu sheegay iney muhiim aheyd in la helo xubno wakiilo ah ee ka socda Wasaaradaha Shaqada ee Maamul-goboleedyada maadaama kuwa Dowladda Federaalka ay ku howlan yihiin shaqooyin fara badan, waxuu sidoo kale ku booriyay Shaqaalaha barnaamijkan in ay yihiin xubnha ugu muhiimsan ee fulin kara ama socodsiin kara barnaamijkan maadaama arrintani Gobollada diiradda lagu saarayo si shaqo-abuur loogu sameeyo Dhallinyaradooda.

Gabagabadii shirka aya waxaa lagu ballamay in la wadashaqeyn doono ayna natiijada noqon doonto mid lagu shaqaaleysiin doono Dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta daashatay muddo aad u dheer.

YES meeting 7YES meeting 1 YES meeting 2 YES meeting 3 YES meeting 4 YES meeting 5 YES meeting 6  YES meeting 8 YES meeting 9 YES meeting 10 YES meeting 11  YES meeting 13YES meeting 12