Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ka qaybgashay Shirkii Midawga Afrika ee  looga hadlayay Amniga iyo Socdaalka oo  lagu qabtay Addis Ababa.

Agaasimaha Guud wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudana Maxamed Cadde Mukhtaar  ayaa ka qeyb galay kulanka Heshiis Goboleedka Afrika oo ku saabsan Amniga iyo Socdaalka oo lagu qabtay dalka Ethopian magaaladda Addis Ababa.

Kulanka Wadatashiga ee Afrika ayaa  ku saabsanaa Sharciga Caalamiga ah Amniga iyo Socdaalka joogtada ee dalalka  Afrika,  waxaana lagu raadinayay ujeedooyinka iyo himilooyinka Qaxootiga iyo Muhaajiriinta (New York Declaration for Refugees). sidii loogu talagali lahaa sanadka 2018 nidaamka  amniga iyo socdaalka joogtada ah.

Wasaaradda Shaqadha iyo Arrimaha Bulshada oo door muhiiim ah ku laheyd ka qeyb galka  kulanka ayaa sheegay in ay aad ula daalaa dhaceyso xakameynta Muhaajirka Soomaaliyeed iyo kuwa usoo  Haajira  Soomaaliya ee  shaqa doonka ah.

Agasimaha Guud wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa kulan gooni gooni ah  la qaatay mas’uuliyiin faro badan oo aad u daneynayay arrimaha Soomaaliya sida  xafiisyada gobolka ee  ECA, UNECA , IOM  iyo AMISOM. ayuu Agaasimaha guud  wada tashi kala duwan la qaatay sidii ay soomaaliuya qeyb uga noqon laheyd  geeddi-socodka iyo ka qaybqaadashada hawlgalka si toos ah u gala shaqeeyaan madaxda iyo khubaro heer qaran ah si loo hubiyo in dalalka xubnaha ka ah  ay ka keenaan aragtiyo qaran.

kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi heshiis iyo isafgarad ku saabsan Amniga iyo Socdaalka wadamada Midawga Afrika.

 Pr Molsa DG addis ababa 2 Pr Molsa DG addis ababa 3 Pr Molsa DG addis ababa 4Pr Molsa DG addis ababa 1