WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO 40 SHAQAALEHEEDA AH U FURTAY TABABAR SARE LOOGU QAADAYEY XIRFADDA  SHAQADA IYO  SHAQAALAHA  

Tababar  ay  soo  qaban qaabiyeen wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada  iyo Hay’ada CESEPSO  ayaa ka furmay xarunta wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada  tababarkaani oo ujeedkiisu ahaa sare u qaadidda xirfada shaqo iyo tayeynta aqoonta  shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada

 Casharada lagu qaadanaayo  tababarkan furmays ayaa  waxaa ka mid ah  maamulida  shaqada iyo shaqaalaha iyo xaqa ay leeyihiin shaqaaalaha iyo xaquuqda lagu leeyahay waxaa kaloo kamid ah casharada soo dhawaynta macaamiisha iyo hab dhaqan wanaaga looga baahan yahay  shaqaalaha iyo baratakoolka suuban.

workshop Molsa 9

Agaasimaha waaxda tababarada wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane ismaaciil  macalin Cabdulaahi oo daahfuray madasha tababarka lagu  bixinaayey ayaa halkaasi ka  jeediyey qudbado iskugu jirta talo iyo waano oo ku dhiiri galinayey shaqaalaha kasoo qayb galay tababarka sare loogu qaadayey aqoonta shaqaalaha wasaaradda wuxuuna yiri :tababarkaan waxuu muhiim u yahay shaqaalaha ka kala socday waaxyaha ay wasaaradda shaqada ka kooban tahay waxan rajaynaa in ay wax badan ka faa’iidaan oo dhanka maamulka iyo qaabkii ay kula dhaqmi la heydeyn bulshada aad u adeegaysaan ,cilmigii aad ka barateen intuu socdo tababarkaan waxaad kula laaban doontaan waaxyaha aad ka shaqeyneysaan tababarkana wuu furan yahay

workshop Molsa 8

Waxaa sidoo kale qudbado muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaya  ka jeediyey xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socda wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,  xildhibaan cabdi xaashi oo dhiira galin u soo jeediyey ayaa yiri” waa muhiim in aan noqotaan dad wax bartay oo ka faaideysta qeyraadka uu leeyahay shaqada aad u haysaan shacab somaaliyeed u guta si wanaagsan  kaga faa’idaysta tababarkaan waa idiin muhiim ”

  Tababarkaani loo qabtay shaqaalaha wasaaradda ayaa u fududeenaya shaqaalaha wasaaradda  inay kala gartaan waajibaadka saran iyo xaquuqda ay ku leeyihiin wasaradda   wuxuuna tababarkaani socon doona muddo sedex maalin ah iyadoo la gudoon siindoono shahaado sharaf muujineysa sida wanaagsan ay shaqaalaha ugu qayb qaateen tababarkaani

workshop Molsa 4 workshop Molsa 0 workshop Molsa 6 workshop Molsa 5 workshop Molsa 3 workshop Molsa 2 workshop Molsa 1workshop Molsa 7workshop Molsa 10