Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo iska kaashanaya horumarinta dadka baahiyaha gaar ka qaba ( Naafada )

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo beryahan iska kaashanaya horumarinta dadka baahiyaha gaar ka qaba ( Naafada ) ayaa wada qabtay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba looga qeybgelin lahaa heyadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ( public Or private ) oo ay ka soo qayb galeen 30 xubnood oo Ka Kala Socotay qeybaha kala gedisan ee Naafada Soomaaliyeed,waxeyna labbada Wasaaradood kulanka uga fureen Hotelka Xayaad ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo soconday hal maalin ah ayaa yimid kadib markii ay Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa hay’addaha caalamiga ee daneeya arrimaha Naafada sida UNSOM ayey casuumaad rasmi ah u fidiyeen mas’uuliyiiint dadka Naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho si ay aragtidooda uga dhiibtaan sidii ay uga qeybgelin lahaa heyadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha Waaxda daryeelka Naafada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda mudane Cumar Xuseen Caliyoow ayaa daahfuray Kulankaasi waxuuna ka jeediyay qodbad soo jiidatay kasoo qayb galayaasha Kulanka. waxuuna yiri ” kulankan waxaana ku casuumay oo kasoo qayb gashay mas’uuliyiin ka socday hey’addaha Dowladda sida Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska ra’iisul wasaaraha Maryan Aadan Amiin , Agaasimaha Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul aadamiga Axmed Cabdi Booriile ,ururka dhalinyaradda Qaranka Soomaaliyeed iyo ururada ka shaqeeya badbaadinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaasoo kasoo qayb galkoodu muhiim wayn u ah wadatashiga looga doodayo ka qeybgelin Naafada heyadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana loo balamay in la joogteeyo kulamada noocaan ah”. sidaana waxaa yiri Agaasime Cumar Xuseen Ibrow.

sidoo kale waxaa xaadir ku ahaa kulanka Marwo Maryan Aadan Amiin oo ah Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska re’iisul wasaaraha XFS oo gacan weyn ka geysatay kulanka ujeedkiisu ahaa in ay wax ka qabtaan hergalinta sidii ay uga qeybgelin lahaa hey’addaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay dadka baahiyaha gaar ka qaba ( Naafada ).

Kasoo qeyb galayaasha ka kala socday naafada ayaa si aad ah uga dooday arrimo badan oo quseeya dalka iyo naafada Soomaaliyeed. waxaana halkaas lagu falan qeeyay laguna lafaguray ka qeyb galka hey’addaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay dadka baahiyaha gaar ka qaba ( Naafada ).

Kadib dood dheer iyo falan qayn lagu sameeyay arrinka la isgu yimid waxaa la isla gartay in ay soo darsaan aragtiyadooda ugana soo dhiibtaan qoraal ahaan si ugu danbayntii uu u noqdo mid dhamaystiran kuna cad xuquuqda ka qeyb galka hey’addaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay dadka baahiyaha gaar ka qaba.

Ugu dambaytii waxaa Kulanka soo xiray Agaasimaha Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul aadamiga Axmed Cabdi Booriile waxuuna kula dardaarmay inay soo dadajiyaan fikradahooda ku aadan horumarinta dadka baahiyaha gaar ka qaba ( Naafada )

pr Naafada Meeting 1 pr Naafada Meeting 2 pr Naafada Meeting 3 pr Naafada Meeting 4 pr Naafada Meeting 5 pr Naafada Meeting 6