Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo hey’adda IOM oo shir muhiim ah ku qaatay Magaalada Muqdishu

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka qeybtiisa horumarinta Africa ee u qaabilsan Somalia (IOM) waxey shir aad u muhiim u ah ku qaateen Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde Magaalada Muqdisho, waxaana goobta ku suganaa Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Ahmed Jamac iyo Xoghayaha Joogta Wasaarada iyo Agaasimeyaal ka tiran Wasaaradda Shaqada, dhanka hey’adda IOM waxaa ka socday Agaasimaha u qaabilsan horumarinta mashaariicda Mr. Waite Gerard.

Shirkan oo ay qabashadiisa fududeysay Miss. AJ Morogn ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka shirarka IOM ay ku leedahay Xalane, waxayna mas’uuliyiinta ka qeybgashay shirka daneynayeen in ay wax ka ogaadaan waxyaabaha ay qabato IOM iyo isbarasho mas’uuliyiinta labada dhinac.

ugu horeyn waxaa ka hadlay madaxa horumarinta mashaariicda IOM Mr. Waite Gerard waxuu yiri “Ururka IOM waxuu ka howlgalaa Somaliland, Puntland iyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay howshiisa tahay sidii uu isugu duwi lahaa mashaariicda kala duwan sida shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashruuca DDR, isla markaana ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray”. sidaa waxa yiri Mr. Waite Gerard

waxuuna intaa raaciyay in ay jiraan Dad si folenteer ah dalka ku noqday ” waxay isugu jiraan kuwo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada. Tan iyo markii ay howshan billaabatay waxaa Soomaaliya ku noqday oo dalkooda iyo dadkooda u faa’iideeyay tiro aad u badan”.

Ugu dambeyntii wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa ugu baaqay IOM iyo cid walba oo shaqo abuur u sameyneysa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyadda ay gacan ka geysanayaan ansixinta mashaariicda iyo  heshiisyadda dhexmaraya IOM iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada .

MOLSA and IOM meeting 0 MOLSA and IOM meeting 1 MOLSA and IOM meeting 2 MOLSA and IOM meeting 3 MOLSA and IOM meeting 4 MOLSA and IOM meeting 5