Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Tababar lagu baranayay Sharciga Shaqaalaha Shisheeye u qabatay Midowga Aradayda Jaamacdaha iyo Midowga Suxufiyiinta Banaadir (Banadir Union of Journalists)

Tababarkan ayaa ah midkii labaad oo ay qabato Wasaaradda, kaasoo dhallinyarada Soomaaliyeed lagu barayay Sharciga Shaqaalaha Shisheeye si ay gacan uga geystaan arrimaha la xiriirra sharcigan.

Tababarka ayaa maanta waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdiwali Ibraahim Muudey, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble, Cabdulqaadir Faarax (Biriq) oo ah Qabiir Saxaafadeed ahna sidoo kale Wakiil ka socday Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta Cumar Xuseen Caliyoow, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta Cabdirashiid Cabdullaahi Xeydar, Agaasimaha Waaxda Tabarrada Ismaaciil Macallin Cabdullaahi, Axmed Dhuuboow oo ah Gudoomiyaha Midowga Suxufiyiinta Gobolka Banaadir iyo tiro ku dhow 50 qofood ee ka kala socotay Midowga Ardayda Jaamacadaha iyo qaar ka mid ah suxufuyiinta soomaaliyeed ayagoo si hufan uga bogtay Sharciga Shaqaalaha Shisheeye waxa uu yahay guud ahaan.

journalist training MOLSA 3

Wasiir Muudeey ayaa asagoo ka hadlaaya muhiimadda tababarkan ayaa waxuu yiri: “ Shaqadi igu horreysay ee aan u gacan qaado waxay aheyd shaqada Sharciga Shaqaalaha Shisheeye, waxaana igu dhaliyay markaan arkay xaqii umadda Soomaaliyeed inay heystaan dad ajaanib ah ee aan dalka waxba ku laheyn, dadkeenniina shaqo la’aan yihiin, sidaa darteed waxaan ka shaqeynay inaan tababar u sameyno Dhallinyarada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan annagoo gaarsiineena Sharciga Shaqaalaha Shisheeye, maadaama annaga aan ku daddaaleyno inaan waajibkeenna ku aaddan arrinkan gudanno, adinkana waxaa laydinka baahan yahay inaad difaacataan xaqiinna ee ah inaad heshaan shaqooyin dalka kajira nooc walba ay yihiin, adinkoo kaga horreeya kuwa ajaanibta ah sida sharciga uu dhigaayo.

Cabdi Daahir Cabdi oo ah tababare had iyo jeer ka caawiya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada tabarrada ay u qabato bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maanta sidoo kale ahaa mid kamid ah tabarayaasha Sharcigan soo jeediyay asagoo wehliya Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta Cumar Xuseen Caliyoow.

Ugu dambeyn ra’yi isweydaarsiyo ku saabsanaa sharcigan kaddib ayaa waxaa soo afjaray tababarkii subaxnimadii saakay aheyd laysugu yimiday Wasiir Cabdiwali Muudeey asagoo guddoonsiiyay Dhallinyaradii ka qeyb qaadatay tababarkan Shahaadooyin kulana dardaarmay Dhallinyarada inay badiyaan hadalheynta sharcigan gaarsiiyaanna kuwa kale maqan.

journalist training MOLSA 0 journalist training MOLSA 1 journalist training MOLSA 2  journalist training MOLSA 4