Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsahada ayaa in ka badan 40 ka socday ururka haweenka gobolka banaadir u soo gabagabeysay tababar lagu baranaayey sharciga shaqaalaha shisheeye

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsahada ayaa in ka badan 40 ka socday ururka haweenka gobolka banaadir u soo gabagabeysay  tababar lagu baranaayey sharciga shaqaalaha shisheeye

 Tababarkaan ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u qabatay ururka haweenka gobolka banaadir oo ay  gacan ka siinaysay hay’ada (secepco) waxaana lagu baraayey sharciga shaqaalaha shisheeye iyo xaquuqda uu leeyahay qofka shaqaalaha ah

 Waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriinta  oo dadaal balaan ugu jirta sidii ay u dardar galin laheyd barida iyo ka dhaadhacsiinta bulshada rayidka ah iyo la xisaabtanka shaqaalaha ajaanibta oo sida sharci darada ah uga shaqeeya dalka ,agaasimaha waaxdaasi Cumar Xussen Caliyow ibrow ayaa wuxuu ka warbixiyay mudadii uu sharcigaan hirgalay in ay hormar badan sameeyeen wuxuuna yiri “ sharcigaan waxaan u tababari doona dhamaan bulshada rayidka waxaan u tababarnay qeybo kala duwan sida :dhalinyada, saxafiyiinta, midowga ardayda jaamacadaha ,iyo ururka haweenka o hada an u tababareyno sharcigaan, fursadihii shaqda ay u dalban jireyn shirkadaha shaqaalaha ajaanibta waxaa ku yimid hoos u dhac madama uu qofka shaqaalaha ajnabiga uu soo maraayo sharci si uu u helo ruqsad u ogolaaneyso  ka shaqeynta, dalka hadii aan ku dhaqan sharcigaan oo aan dardar galino waxaa yaraan doona in qof shisheeye ah u qabto shaqo uu aqoonteeda  leeyahay muwaadin somaali ah “

Agaasimaha waaxda tababara ee wasaradda shaqada Ismaaciil Macalin oo gabgabadii siminaarkaan ka hadlay ayaa wuxuu yiri  “tababarkaan ad ku barateen sharciga shaqaalaha ajaanibta wuxuu idiin leeyhay faaido badan waxaan rajaynaaya in aad qaadataan sharcigaan kuna dhaqmi doontaan aadna wax badan ka fahanteen xuquuqda qofka shisheeyaha uu leeyahay wayna yaran doontan shaqo uu qaban karo muwaadin Somali  in uu qabto qof shisheeye ah”

Gabagabadii siminaarka ayaa sidoo waxa ka hadlay masuuliyiin ka socday gobolka banaadi Xoghayaha Joogtada Gobolka Banaadir Maxamad Amiin SHiiq Cilmi ayaa yiri “ waan ku faraxsanahay in wasarada shaqada ay idiin tababarto sharcigaan haweynka waa laf dhabarka bulshada fahanka sharcigaan wuxuu kaalin weyn ka geesan doona in shaqooyinkii ajaanibta loo dalban jiray in uu yareeyo  oo fursado badan ay helaan muwaadiniinta“

Qaar ka mid ah haweynkii tababarkaan loo furay ayaa soo jeediyey fikrado iyo cabashooyin waxayna tilmaameyn in ay dhibaatooyin ay ku qabaan soo galida xafiisyada qaar ee dawlada waxayna codsadeyn in loo sameeyo aqoonsi ay ku gali karaan xafiis walbo si ay u helaan xaquuqda ka maqan haweenka, waxayna wasaaradda shaqada ka codsadeyn in ay la jooji shaqaalaha ajaanibta oo fursadaha shaqo ee muwaadinka aqoonteeda laha la siinaayo

Wasaarada shaqada ayaa dadal waxay ugu jirta hormarinta iyo soo noolaynta sharciyada shaqada iyo shaqaalaha si dhalinyaro badan ay u helaan shaqooyin

sax 4 1 sax 5 sax2Banaadir 0