Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada oo Ku dhawaad 40 dhalin yaro u qabatay tababar lagu baranaayey sharciga shaqaalaha shisheeye

Tababarkaan oo loo qabanaayey Dalada  DHalinyarad Gobolka Banaadir ayaa waxaa iska kashaday wasaaradda SHaqada iyo hay’ada (SECEPCO) waxaana lugu baranaayey sharciga shaqaalaha shisheeye iyo  Dowrka Dalinyarada ee xuquuqda shaqaalaha

Siminaarkaan oo soconaayey labo maalin ayaa ardaydii ka qeebgashay la gudoonsiiyey shahaadooyin xiritaanka siminaarkaan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay barihii tababarkaan siinaayey ardayda ahna Gudoomiye ku xigeynka hay’ada(SECEPCO) Cabdi daahir wuxuu yiri “ waan ku faraxsanahy in aad wax ka barataan  sharcigaan xuquuqda qofka shaqeynaya  waxaa jirey siminaaro badan oo aan siinay qeybaha kala duwan ee bulshada madaama tihiin jiilkii  soo baxaayey waxaa idinla gudboon in aad barataan sharciyada dalka “

Gudoomiyaha Dalada DHalinyarada Gobolka Banaadir cumar Fidig ayaa yirir “ casharada aad ka barateen tababaraan wa in aad ku dhaqantaan mar walboo aad wax barata masuuliyadada way kordheysaa waxaa tihiin dhalinyaradii dalka hormarkiisa laga sugaayey waa in aad ku dadaashaan in aad wax barataan “

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay xiritaankii siminaarkaan masuuliyiin ka socday gobolka banaadir waxayn hambalyo u direyn wasaarada shaqada dadaalka ay ugu jirto barida sharciga shaqaalaha shisheeye qeybaha kala duwan ee bulshada waxayna dhalinyarada ku booriyeen in ay ku dadaalaan hormarka dalka juhdina galiyaan sidii ay u baran lahaayeen sooyaalka ,shuruucda iyo dhaqamada soomaalida si loo helo dhalinyaro wax qabad leh

Agaasimaha waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriin iyo agaasimaha waaxda tababarada ayaa si isku mid ah u baraarujiyey dhalinyaradii kasoo qeyb gashay tababarkaan waxayna sheegeyn in siminaarada nuucaan sii wadi doonaan si bulshada ay wax uga bartaan sharcigaan shaqaalaha shisheeye ayna u aqrin doonan qeybaha kale ee bulshada

Gabagabadii tababarkaan ayaa waxaa soo xirey Xoghayaha Xoogtada Wasaardda SHaqada iyo Arimaha Bulshada Xasan SHariif Cismaan ayaa wuxuu bogaaadiyey dhalinyaradii kasoo qeyb gashay tababarkaan ““tababarkaan wuxuu muhiim u yahay dhalinyarada shaqa doonka ah oo shaqooyinkoodi ay qabanayaan ajaanibta waaana rajeynaa in ka faaideysateyn aqoontiina sare u qaada si fursadaha shaqooyinka aan loo siinin qof aan muwaadin eheyn tababarkaan cilmiga aad ka barateyn inaad ku dhaqmi doontaan tababarkane wuu xiranyahy”

Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa dadaal ugu jirta dib u noolaynta shuruucdii shaqada iyo shaqaalaha waxaana halku dhiga wasaarada tahay fursad sii muwaadinka oo jooji shaqaalaynta ajaanibta  ,sharcigaan ayaa waxaa loo tababar qeybaha kala duwan ee bulshada tan iintii uu dhaqan galay sharcigaan ayaa waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriinta waxay guulo ka gaareyn in ay xadidaan shaqaalihii ajaanibta ee sharci darada ku joogay dalka

dorka dhalin yarada 6doorka dhalin yarad 3 doorka dhalinyarada 1 doorka dhalinyarada 2 dorka dhalin yarada 4 dorka dhalin yarada 5  dorka dhalin yarada 7 dorka dhalin yarada 8 dorka dhalin yarada 9 dorka dhalin yarada 10