WARBIXIN KU SAABSAN KA QEYB-GALKA KALFADHIGA SADDAXAAD EE SHIRKA URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA EE WASIIRAD SHAQADA DOWLADAHA ISLAAMKA,

  

   WARBIXIN KU SAABSAN KA QEYB-GALKA

KALFADHIGA SADDAXAAD EE SHIRKA URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

EE WASIIRAD SHAQADA DOWLADAHA ISLAAMKA,

 

JAKARTA, REPUBLIC OF INDONESIA

28-30 OCTOBER 2015

15-17 MUHARRAM 1437H

 

Gogol-dhig

 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mr. Abdiwali Ibrahim Sheikh Muudey ayaa waxay ka qaybgaleen Kalfadhiga Saddexaad ee shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Wasiiradaha  Shaqada, Dowladaha Islaamka, Oo lagu qabtay

Jakarta, Jamhuuriyadda Indonesia, 28-30 October 2015,

 

Wafdiga Wasaaradda oo ka koobnaa 5 qof  oo uu hogaaminayay wasiirkaWasaaradda  shaqada ayaa ka soo hooyay shirka guulo la taaban karo taasoo ka dhigaysa wasaaradda markii ugu horaysay oo ay ka qeyb gasho shir kan oo kale ah.

KULAMADA WAFDIGA UU LA YEESHAY DOWLADAHA DHIGIISA AH:-

 1. Boqortooyada Saudi Arabia

 Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda shaqada & Arrimaha Bulshada ee JFS ayaa shir la qaatay Wafdi uu hogaaminayo dhigiisa Wasiirka Shaqada ee Boqortooyada Saudi Arabia,  salaan iyo soo dhaweyn diiran oo ay labada dhinac isku muujiyeen ka dib ayaa  wasiirada waxay kawada hadleen sidii loo abuuri lahaa xiriir wanaagsan iyo iskaashi labada dowladood, gaar-ahaan wasaaradaha shaqada .

Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada JFS waxuu dhigiisa Saudi Arabia kala hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa balamihii hore oo ay ka mid tahay in Saudi Arabia ay soomaaliya shaqaalo ka qaadato isla markaan sidii  loo dhameystiri lahaa hashiiska ku saabsan arinkaas.

Wasiirka Wasaaradda Saudi Arabia wuxuu Balanqaaday in uu Somaliya kala shaqeyn doono Sidii loo hor marin lahaa shaqaalaha Soomaaliya isla markaan uu diyaar u yahay fulinta soojeedinta wasiirka shaqada JFS,

  

2. DOWLADDA QATAR.

  Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda shaqada & Arrimaha Bulshada ee JFS oo howlahiisa shaqo sii wata ayaa waxa uu shir la qaatay dhigiisa wasiirka shaqada ee Dowlada Qatar.

Wasiirka shaqada JFS waxa uu dhigiisa Qatar  u soo jeediyay sidii Soomaaliya looga garab siin lahaa hormarinta shaqaalaha , shuruucda shaqaalaha iyo tababarada shaqaalaha si loo helo shaqaale talented ah oo hormarka wadanka wax badan ku soo kordhin doono.

Wasiirka shaqada ee Dowladda Qatar aad ayuu u soo dhoweeyay arinkaas wuxuuna balanqaaday in  soo jeedinta wasiirka ay noqon doonto shaqdiisa ugu horeyso marka uu dalkiisa ku laabto sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu  ka shaqeyn doono sidii Dowladaha xubnaha ka ah  OIC ay  kaga  ciyaari lahaayeen door muhiim ah kaas oo ku aadan hubinta  xuquuqda shaqaalaha Soomaaliya ee ka shaqeeya Dowladaha OIC member-ka  ah in ay u fidiyaan  taageerada bulshada fayo-qabka, iyo sidoo kale in la abuuro noolaanshaha nabada ah, taas oo  muhiim u ah dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo maamul-wanaaga joogto ah,

 

 Waxa uu wasiirku xusay in shaqaalaha Ajnabiga ah ee dowladiisa Qatar ka shaqeeyo kuwa ugu fiican ay yihiin kuwa soomaalida (dhanka dhaqanka, diinta,shaqada iyo howl-karnimada).

Ugu danbeyntii wasiirka waxa  uu martiqaad Rasmi ah u fidiyay wafdiga uu wasiirka Shaqada JFS uu hogaaminayo si dowladiisa Qatar ay u muujiso in ay diyaar u tahay in sidaan si ka qoto dheer loogu wada hadlo arrimaha iskaashiga labada dhinac iyo Hormarinta shaqaalaha.

Wasiirka shaqada dhankiisa wuu ka aqbalay marti qaadka uu dhigiisa u fidiyay.

3. DOWLADDA SUDAN

Wafdiga wasaaradda waxa sidoo kale shir-gooni ah la qaatay dhigooda Wasaaradda shaqada Dowladda Sudan.

Wasiirka shaqada JFS H.E Abdiwali Ibrahim Sheikh Mudey  waxa uu bogaadiyay dhigiisa Sudan H.E Ahmed Babiker Ahmed isaga oo xusay in Sudan ay garab istaageen dhalinyarada Somalia xiligii adkaa ee uu wadanka ku jiray sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh taasoo ugu dambeyntii suur –gashay.

H.E Muudey waxa uu u soo jeediyay in iskaashiga labada dhinac la xoojiyo si loo gaaro Hormar labada dhinac oo lataaban karo,

 

Wasiirka shaqada Dowladda Sudan H.E Ahmed Babiker waxa uu markiisa ka dhawaajiyay in uu diyaar u yahay wax walba oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Somalia iyo Sudan ay yihiin laba Dowladood oo walaala ah, hadii ay ahaan laheyd dhinac Dhaqanka, Diinta iyo muuqaalka-ba

Wax uu yiri Aad ayey ii farxad gelinaysaa marka aan Somalia garabkeyga ka arko isla markaana calanka Somalia uu Ka muuqdo Meel Walba oo ay aduunyadu wax ku qeybsaneyso.

Wasiirka hadalkiisa waxa uu ku soo gunaanuday in dowladiisu Sudan ay ku faraxsantahay in Dowlad Somalia oo kale ay lawadaagaan aqoontooda hadii ay ahaan laheyd mid waxbarsho,  mid farsamo iyo tababaro heer shaqaale.

 

4. DOWLADDA INDONESIA

Wafdiga waxa uu xoojiyay shaqadiisii kulamada gooni-gooniga ahaa waxa uu markan la kulamay wafdi uu horkacayay Wasiirka Shaqada ee Jamhuuriyadda Indonesia ahna Gudoomiyaha  Madasha shirka H.E Hanif Dakhiri .

Sida caadada aheyd wasiirka shaqadda Ee JFS isag oo ka anba-qaadaya  Hormarinta iyo Xoojinta xiriiradda dowladaha , ayaa waxa uu usoo jeediyay dhigiisa Indonesia in uu ku marti qaado wadanka si Indonesia ay u maal gashato somaalia, sidoo kale waxa uu Mr.Muudey kala hadlay Mr.Dakhiri  sidii loo tayeen lahaa shaqaalaha Soomaaliya iyo in ay Indonesia ka caawiso dhinaca shuruucda shaqaalaha muhaajiriinta madaama ay Indonesia tahay wadanka ugu badan ee Shaqaale U dhoofiya Aduunka Dacaladiisa.

 

Wasiirka Shaqada Jamhuuriyadda Indonesia H.E Hanif Dakhiri aad ayuu ula dhacay aragtida uu xanbaarsanaa wafdiga JFS iyo sida geesinimadda leh oo ay aduunyadda dhinaceeda kale ugu soo anba baxeen si ay u muujiyaan xubin-nimadooda OIC.

Waxa uu yiri aad ayaan ugu faraxsanahay in ay soomaaliya ka soo muuqato OIC Conference in Jakarta, waxaan ka shaqeen doonaa sida aan u xoojin lahaa xiriirka labada dal isla maraana Somalia aan siin doono ahmiyadda 1aad, Somalia waa dal barwaaqo ah dadkiisuna ay dad wanaagsan yihiin.

Ugu danbeyntii H.E Hanif Dakhiri waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanuday  in ay dowladiisu diyaar u tahay waxa wafdiga uu ka codsaday in ay ka fuliyaan inta karaankooda ah oo ay waxba ka hagran doonin,

 wasiir Muudey soo dhaweyn 01

5. KULAN GAAR AH OO UU WAFDIGU LA YESHAY XOGHAYAHA  

GUUD EE URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

MR. AYAD AMIN MADENI

 

Wafdiga shirkisii ugu danbeeyay wax uu la qaatay Xoghayaha Guud Ee Ururka Iskaashiga Islaamka H.E Ayad Amiin Madeni.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada H.E Abdiwali Ibraahim Sh.Mudey Waxa uu wax ka weydiyay sida OIC ay u wajihi laheyd Somalia iyo Sida loo hormarin karo  wada shaqeynta OIC iyo dowladda Somalia Hay’adaheeda kala duwan.

Mr. Ayad Amin Mdeni waxa uu soo dhoweeyay aragtida wafdiga sidoo kale waxa uu sheegay in OIC ay la shaqeeyaan Hay’adaha Dowladda qeybahooda kala-dowan ayna balan qaadayaan Wasaaradda Shaqada oo ka mid ah Hay’adaha Dowladda Somalia ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan isla markaana ay ka caawin doonaan dhinacayada Hormarinta shaqaalaha si loo garto  muhiimada shaqada hufan, shaqo wax soo saar leh oo meelo shaqo oo ammaan ah sida

mabda’a aasaasiga ah ee Islaamka si loo xaqiijiyo jiritaanka bulshada iyo la dagaalanka saboolnimada,

sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo yaraynta shaqo la’aanta ka dhex-jirta  OIC member states-ka iyo  kordhinta dhismaha awoodda shaqaalaha, aqoonsi xirfad iyo daahfurnaanta suuqa shaqada iyo uruurinta  Macluumaadka ku saabsan awoodda shaqaalaha iyo suuqa shaqada ,

Mr. Ayad Madeni waxa uu ka dhawaajiyay sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha adag iyo sidii loo yareen lahaa  caqabadaha soo food saaray, dhalinyarada, haweenka iyo dadka  naafada iyo sidii loo wajihi lahaa dayactirka shaqo fiican oo hufan,

Ugu dambeyntii xoghayaha waxa uu ku soo gaba gabeeyay in OIC ay la shaqeyn doonto Somalia isla markaana kaalmooyinka ay si toos ah Somali u soo mar siin doonaan.

Wuxuu yiri Soomaaliya way soo hagaageysaa OIC-na waxaa waajib ku ah in ay soomalida cusub garab istaagto. isagoo ula jeeday in Somalia ay ka soo muuqatay saaxadaha caalamka.