Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqasho kormeer ah ku tagay  Guryaha (African Village) ee magaalada Muqdisho

Dhismaha (African Village) ee caanka  ka ah magaalada Muqdisho lana dhisay sanaddii 1947dii oo haatan deegaan u ah bulsho Soomaaliyeed ayey maamulkeeda gacanta ku heysaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa maanta dhismaha booqasho ku tagay masuuliyiin katirsan Wasaardda uu horkacayay la taliyaha dhanka dhismaha ee Wasaaradda Eng. Faarax Cabdi Guurre iyo Madaxa Maamulka iyo Maaliyadda ahna ku simaha Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cali Cabdiraxmaan Bocorey, waxeyna u kuurgaleen habsami u socodka dhismaha lagusoo kordhiyay oo ay baahida weyn u qabeen bulshada ku dhaqan deegaanka African Village.

Howshan ayaa waxey ka jawaabeysay qeylo dhaan kasoo yeertay bulshada ku dhaqan dhismahaasi, Wasaaradda oo mar waliba u taagan haqabtirka baahi waliba ee bulshadaasi qabaan,  sidaa darteed ayey  shaqadani u dardargelineysaa Wasaaradda in  sida ugu dhaqsiyaha badan  lagu soo gabagabeeyo.

PR MOLSA Afiracn Village 1 PR MOLSA Afiracn Village 2PR MOLSA Afiracn Village 0 PR MOLSA Afiracn Village 3 PR MOLSA Afiracn Village 4 PR MOLSA Afiracn Village 5 PR MOLSA Afiracn Village 6 PR MOLSA Afiracn Village 7 PR MOLSA Afiracn Village 8 PR MOLSA Afiracn Village 9

Afican Village 1 African-Village-19