Waaxda shaqaalaha  gaarka ah iyo muhaajiriinta oo soo bandhigtay waxyaabihii u qabsamay

Abdirashiid Heydara July 20, 2016 Comments Off
Waaxda shaqaalaha  gaarka ah iyo muhaajiriinta oo soo bandhigtay waxyaabihii u qabsamay

Waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriinta ayaa faah faahin ka bixisay hormarada ay ku talaabsatay iyo guulihii ay soo hoysay tan iyo markii dib loo hawl galiyey waaxdan ayaa agaasimaha waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriinta Cumar Xuseen Caliyow Ibroow ayaa sheegay in waaxdiisa ay gudatay waajibaadkii loo xilsaaray.

Agasimaha wuxuu yiri ”0ctoper 2015 waxa ay dib u bilaawaday waaxda tirakoob rasmi ah oo loo sameynayo shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriinta waxaana shirkadaha loo bandhigay sharciga shaqaalaha shisheeye kasoo kala cadaynaya xaqa shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, kadibna waxaan dalbanay in shaqaalaha ajaanibta ay qaatan  ruqsad  loo sameynaayo iyo diiwaan galin,  guulaha wasaarada ay gaartay waxaa ka mid ah in 550 hay,adood oo dalka jooga inay qaataan 102 ka mid ah ay kusoo xirmeyn waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo muhaajiriinta , 2452 kamida ah shaqaalaha ajaanibta  waxay qaateen ruqsado kala duwan waxaana ugu badan 1sano, 6bilood iyo 3bilood ,sidoo kale shaqaalaha gaarka loo leeyahay oo ah muwaadiniin soomaliyeed lana diiwaan galiyey waxaana la siiyay aqoonsi shaqaalahaas oo gaaraya  2500 oo ka kooban 72 shirkadood, jaamacado iyo hay,addo gaar loo leeyahay, waaxda waxaa u suurta gashay in ay howl galiyaan sharcigaan shaqaalaha ay kusoo xirmaan xafiisayada si loogu fududeeyo hawlaha ay u baahanyihiin shaqalaha ajaanibta iyo kuwa gaarka loo leeyahay”

Omar Iliyow Ibrow 0

sidoo kale  agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaradda shaqada ay ruqsad u siin Karin shaqaalaha shisheeye  shaqo uu qaban karo muwaadin Soomaaliyeed waxaana la joojiyey 176 shaqaale shisheeye oo dalalkooda dib loogu celiyey sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha ay ugu jirto in dhalinyarada wax baratay ay u sameyaan tababaro  ku aadan sharciga shaqaalaha waxay kaloo ay wadaan daraasado sidii loo sixi laha shaqooyinka qaar ee dalka ka jira .

Ugu dambeyn agaasimaha ayaa Baaq u diray hay,adaha shaqeeya dadaalkoodii ahaa shaqo abuurka in ay meeshooda kasii wadaan nidaamka shaqo ee shaqaalaha hada kadibna loo adeegsado si siman oo nin jecleysi aheyn.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa wada dadaal dheeri ah sidii ay u hormarin leheed dhamaan shaqaalaha, shaqo abuurna ay ugu samayn laheyd dhalinyaradda si ay uga faa’ideeyaan naftooda iyo dalkooda Hooyo.

 

Comments are closed.