Waaxda Daryeelka Naafada oo Shir Wadatashi ah la yeelatay Golaha Naafada Qaranka

 Waaxda Daryeelka Naafada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta shir wadatshi ah la yeelatay masuuliyiin ka socday Golaha Naafada Qaranka kaasoo lagu qabtay Xarrunta Wasaaradda.

Shirakani ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha Waaxda Daryeelka Naafada Cumar Xuseen Caliyoow Ibroow, waxaana kasoo qeybgalay masuuliyiinta Golaha Naafada Qaranka ee uu horkacayay Guddoomiye Cabdullaahi Macallin Axmed, Maxamed Xaashi Faarax ee ah u qaabilsanaha dhanka Ammaanka Naafada, Agaasimaha Naafada Maxamed Cabdulqaadir muuse iyo Xubno kale uu kamid ahaa Maxamed Diini Maxamuud.

Ujeedka kulankani ayaa ahaa ogaanshaha dowrka ay ku leeyihiin Naafada Soomaaliyeed qorshaha u dagsan 100ka maalmood Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee ku xusan qodobka Sameynta Guddiga farsamo ee Hirgelinta Siyaasadda Naafada

Qodobadii kasoo baxay kulankani ayaa waxaa ugu muhimsanaa:

  • In ay wada shaqeyn joogto ah yeeshaan golaha naafada qaranka iyo Waaxda Daryeelka naafada si looga miro dhaliyo xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
  • In golaha naafada qaranka ka qeybgalaan barnaamij asbuucle ah oo laga baahin doono SNTV, kaasoo looga hadlaayo Siyaasadda Naafada Qaranka
  • In Golaha naafada Qaranka laga kaalmeeyo sidii loo joojin lahaa dadka ku qaraabta magaca golaha oo aan aheyn masuuliyiinta golaha ee xilka haya
  • In loo raadiyo qalabeynta xafiiskooda ku yaala Xaruunta Hargaha iyo Saamaha
  • In lagala shaqeeyo isku xirka heyadaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn iyo Golaha Naafada Qaranka
  • In Golaha Naafada Qaranka si dhow ula shaqeeyo Waaxda Daryeelka Naafada

 

Ugu dambeyn waxey isku afgarteen Waaxda Daryeelka Naafada iyo Golaha Naafada Qaranka in ay yeeshaan kulan isbuucle ah si loo dardargeliyo dhismaha Guddiga hirgelinta siyaasadda naafada iyo qorshaha hirgelinta siyaasadda.

MOLSA PR Naafo 0 MOLSA PR Naafo 1 MOLSA PR Naafo 2 MOLSA PR Naafo 3 MOLSA PR Naafo 4 MOLSA PR Naafo 5