Shirka wadatashiga mashruuca shaqo abuurka dhalinyarada oo u dhaxeeya wasaaradda Shaqada iyo maamul goboleedyada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shir  wadatashiya oo ku saabsan mashruuc  shaqo loogu abuurayo  dhallinyarada Soomaliyeed oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho

Agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Salaad Xuseen Cabdulle ayaa ka jeediyey madasha warbixin ku saabsan shirka wuxuuna yiri “ madaama shaqo la’aanta dhalinyarada ay tahay caqabad wayn tasoo dhalin karta inay dhalinyarada tahriibaan ama ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah anagoo diidan taas ayaan waxaan abuurnay barnaamij shaqo abuurka dhalinyara somaliyeed oo hoos tagaya barnaamijka  (PSG4) waxa uuna ka koobanyahay 3 qayb oo muhiim ah oo kale ah wax soo saarka iyo hormarinta xirfadaha iyo shaqo abuur mudo kooban ah (work for cash) si looga gudbo ficilada xun ee dhalinyarada qaar waa in loo abuuraa shaqo” sidoo kale agaasimaha wuxuu sheegay tariikhdii  ay soo martay barnaamijkan shaqo abuurka ah,

Cabdirisaaq Xuseen aadan oo ka socday UNDP ayaa sheegay in mashruuca  shaqo abuurka ah ay iska kaashadeen hay’ado badan ay ka mid yihiin ILO,FOA, UN HABITS  and UNDP iyo dowlada federaalka somaaliya iyo wadamada ugu deeqay lacagta ay kamid yihiin Norway iyo Sweden wuxuuna sidoo kale sheegay in 50 milyan loogu deeqay mashruuca koowaad e shaqo abuurka ah hadii aan wax badan lasii qabtana waxaa la heli karaa deeq bixiyaal badan waxaana mashruucaan laga fuliyey 8 degmo oo kamid ah  dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada mudane  Xil. Cabdiwali Ibraahim sheekh Muudey  ayaa si rasmi ah u dah furay madasha shirka wuxuu yiri “ aad ayaan ugu mahadcelinayaa dhamaan wasiirada iyo masuuliyiinta dowlad goboleedyada kasoo qayb galay shirkan looga hadlaayo danta guud iyo maslaxada umada somaliyeed waana ku faraxsanahay safarka dheer aad usoo ka sheegeen maslaxada umada waana idin soo dhaweynayaa  insha-Allah wixii talo iyo aaraah ah ee aad soo jeedisaan waan qaadan doonaa shirkana wuu noo furan yahay”

Wasiirada iyo masuuliyiinta ka socday dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay xaalada deeganadooda iyo sidii mashruuca looga hirgeliyey, wasiirka kasocday dowlad goboleedka puntland cabdiraxman sheekh axmed ayaa tilmaamay inuu mashruucan yahay mid aad loogu han wayn yahay iyo inuu u arko inuu yahay  in dhalinyarada ay yihiin kuwa ugu balaaran bulshada kuwaasoo soo gaaray dhibato  ah mid soo jireen ah iyo midkale oo colaada laga dhaxlay.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dowlad goboleedka koonfur galbeed jaylaani sheekh maxamed ayaa sheegay in mashruucan laga fuliyey waddo ku taalo magaalada baydhabo wuxuu kaloo sheegay inuu xiligaa xanuunsanaay lakiin uu la shaqeeyey Hay’adii fulisay mashruuca iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada  waxa oo sidoo kale talo ahan usoo jeediyey wasiirka  in wasaaraddiisa loo soo gudbiyo qorshada cad ee mashruucan iyo qarashka ku baxayo si ay wasaaradda ay u hogaamiso mashruuca iyo in dhalinyaradda la baro farsamooyinka gacanta ah iyo farsamooyin kale ay ku shaqaysan karaan sida kaluumeysiga iyo beeraha.

Mohamed Cabdulahi Adam oo ah wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale ka hadlay madasha shirka wuxuu yiri “ mashruucaan waxaa laga fuliyey degmada caabudwaaq mudo 45 cisho ah waana  aragnay dadka watay howsha waxaana jira dad noo dhexeeya anaga iyo hay’ada marka si loo saxo barnaamijka waxaan jeclaan lahaa in dadka wato barnamijkaan nala soo hor fariisiyo si ay nooga dhaadhiciyaan barnaamijka iyo meeshoo ku baxayo.

Aden cisman qaloshe ayaa yiri oo ka socday juballand wuxuu sidoo kale yiri “fikir guud kama heesano barnaamijkan, dhalinyaro fara badana waxay soo galeen deegaanka ayagoo ka yimid qaxootiyada Dhadhaab waxayna u baahan yihiin wax ay qabtaan hadii aysan helin shaqo abuur waxaa macquul ah inay ku biiraan  kooxaha xagjirka ah waxaana codsanayaa in barnaamijkaan nala siiyo macluumaadkiisa madaama oo faa’ido badan u leeyahay dhalinyarada.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi ayaa goobta ka sheegay wixii u qabsamay maamulka dowlada hoose ee xamar sidoo kale Duqa Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiran cumar aden Ibrahim ayaa shirka kusoo bandhigay sawiro ka turjumayo waxyaabihii laga qabtay magaalada balawayne iyo inay u suuro gashay inay darbi ka dhisaan biyaha baxada oo awal jawaano caro ahayd iyo jidka dheer ee ugaas khaliif oo isku xira eelapoorka iyo bartamaha magaalada baladwayne,

Cabdirisaaq cumar Bood oo kasocday maamulka gobalka shabeelaha dhexe ayaa wuxuu dhahay “anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka shabeelaha dhexe barnaamijkaan shaqo abuurka dhalinyarada muhiim ayuu noo yahay madaama ay gobola ku noolyiin dhalinyaro faro badan waxaan rajaynayaa in shirkan ay noo qabatay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada wixii kasoo baxo aan ka miro dhalino  oo ay dhalinyarada u noqoto mid shaqo loogu abuuro”

Waqti yar oo nasasho kadib ayaa dib la iskula soo laabtay madasha shirka halkaasoo la isku weydaarsaday talooyin iyo su’aalo iyo samaynta gudi farsamo, dood dheer kadib waxaa la isku raacay in kormeer lagu sameeyo mashruuc walboo la fulinaayo  iyo in la sameeyo gudi farsamo oo u dhexeeya dowlad  goboleedyada iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, gudigaas farsamana waxaa hogaamin doonto wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowlada goboleedyada waxaa ka tirsanaan doonaa 7 wasaaraddo oo kala ah wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda ganacsiga iyo wasaaradda beeraha iyo wasaaradda xanaanada xoolaha iyo wasaaradda kaluumeysiga iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaarada howlaha guud waxaana hogaamin doonta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada sidoo kale shirkan kiisa xiga ayaa waxaa lagu balamay in dib la iskugu soo laabto 15/09/2016

Ugu danbaytii wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muddey ayaa soo xiray madasha shirka wuxuuna yiri “ waxaa noola soo gudbiyey in 450 dhalinyaro la shaqaaleysiiyey lakin wali mana soo gaarin muddada ay shaqeenayeen iyo inta qarash ay ku shaqeeyeen wuxuu kaloo wasiirka sheegay in gudiga farsamo ee dowlad goboleedyada loo sameenayo ay mushaarkooda bixin doonaan hay’adaha sidoo kale wuxuu ula dardaarmay in qof walboo xil loo dhiibaa inuu si daacad ah u guto xilkiisa oona ku dadaalo maslaxada ummada mas’uulka uu ka yahay shirkana wuu noo xiranyahay.

[youtube id=”ZLZamHOEKUU” width=”600″ height=”350″]

 Molsa Meeting 1 Molsa Meeting 2 Molsa Meeting 3 Molsa Meeting 4 Molsa Meeting5 Molsa Meeting6 Molsa Meeting7 Molsa Meeting8 Molsa Meeting9 Molsa Meeting10 Molsa Meeting11 Molsa Meeting12 Molsa Meeting13Molsa Meeting 0