Shir looga hadlay Xaalada wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo ku saabsan guulaha sanadkii tagan iyo qorshaha sanadkan cusub ee 2017 oo lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi

Xoghayaha Joogtada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Xasan Shariif Cusman oo shir gudoominayo kulanka ayaa sheegay in uu ku saabsan yahay shirkan guulaha ay gaartay Wasaaradda 2016 iyo qorshe howleedka shaqo  ee sanadkan cusub 2017 sidii looga tashan lahaa iyo isbedelka  ka imaankaro siyaasada iyo madaxda  dalka  .

Shir ayaa lagu casuumay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda. waxaana  ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Muqtaar  waxuuna aad ugu dheeraaday guulaha ay gaartay wasaaradda sanadkii tagay 2016 iyo Mashaariicda shaqo ay fulisay Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ayaa yiri “ waa in loo saaraa  guddi soo diyaariyo sidii wax looga qaban lahaa  qorshe howleedka sanadkan cusub 2017” sidaana waxaa yiri Maxamed Cadde Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada.

Agaasimaha  Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta mudane Cabdirisaaq Macalin Cilmi  oo aad u soo dhaweeyay muhiimada uu leeyahay shir  iyo in uu yahay shir xasaasi ah oo looga hadlayo  danaha  wasaaradda. Waxuuna soo jeediyay in Xayeeysiin loo sameeyo  wax qabadka guulaha leh oo ay gaartay wasaaradda ayadoo la adeegsanayo Saxaafada iyo Buugaag lagu soo bandhigayo wax qabadka wasaaradda shaqada  iyo arrimaha Bulshada.

shir-agaasimayaasha-molsa-1