SHIR LOO HADLAYEY HIRGELINTA TABABARADA SHAQAALAHA RAYIDKA DAWLADDA OO LAGU QABTAY XURUNTA  WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA  BULSHADA .  

Shir looga arrinsanayey dejinta istaraatijiyada tababarada shaqaalaha rayidka ee  dawladda   ayaa kusoo geba geboobey is afgarad iyo natiijo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo ahaa shir-gudoomiyaha shirka ayaa  ku  soo dhaweeyay mas’uuliyinta sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu hor kacayay gudoomiyaha Mudane Maxamed Axmed Jimcaale   iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan, xafiiska rw iyo wakiilka WB  ee arrimaha shaqaalaha (CIM) iyo mas’uuliyiinta wasaaradda shaqada uu   kamid ahaa agaasimaha guud wasaaradda shaqada  Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, xoghaya joogtada molsa Xasan Shariif Cusmaan, Lataliyaha wasaaradda Mudane Yuusuf Salaad Warsame iyo agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka ayaa inta uu socdey waxaa si adag looga doodey dhammaan qaabka loo hergelin karo tababaradaasi la doonayo in shaqaalaha rayidka dawladda lagu tababaro sanadkan gudahiisa  iyadoo si cad loo iftiiminayo natiijada ka dhalan karta ee laga doonayo in la hergeliyo aqoon kororsiga  shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda.

Gebogebadii shirka  ayaa  waxaa laysla qaatay dhammaan casharada ay u baahan yihiin in laga dhiso shaqaalaha rayidka dawladda  in la horgeeyo hay’adaha ay iska kaashanayaan jaamacada ummada iyo jaamacadaha kale si loo ansixiyo,  wixii ka dambeeyana si dhab ah loo dhaqan gelin doono bixinta tacliinta shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda.

NUS and MOLSA 1 NUS and MOLSA 2 NUS and MOLSA 3 NUS and MOLSA 4 NUS and MOLSA 5