Shir Jaraa’id uu qabtay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayuu ku beeniyay  hadal si  qalad u tarjumeen qaar ka mid ah saxaafadda.

Ku-simaha Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, ahna wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaas C/casiis Saalax Carmaan ayaa beeniyay in uu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu la wareegay howlihii ama shaqadii wasaaradda.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sii dayay codka wasiir ku-xigeenka shaqada oo sheegay in ra’iisal wasaaraha uu qabanayo howlihii loo baahnaa in ay wasaaraduhu qabtaan.

‘’Ra’iisal wasaarihii dhamaa ayaad mar marka qaar is leedahay shaqadii isaga ayaa haya wasaaradihii ayuu tagayaa shaqaalihii ayuu kormeerayaa shaqadaas waxey aheyd in aan annaga qabano’’ ayuu  maalintaa hadalkiisa ku sheegay wasiir ku-xigeenka.

Hasse ahaatee shirkiisa jaraa’id ee maanta ayuu ku sheegay in si qalad ah loo tarjumay oo loo ekeysiiyay in aan weerar ku ahay ra’iisal wasaaraha isaga oo yiri’’ Kalmadaas waxaan ula jeeday anagay arintaas nagu tahay ihaano oo macnaheeda yahay ceeb ayaa nagu tahay in aan anagiina xafiisyada fadhino ra’iisal wasaaraha -na uu wasaaradaha soo booqdo, anaga in aan soo booqaney aheyd taasna shaqaallaha wasaaradda ayaan ku baraarujinaayey oo aan rabay in aan kor ugu qaado si ay dedaalkooda u sii xoojiyaan” ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu intaa ku daray in ay nasiib daro tahay in hadalkiisii warbaahinta qaarkood si aan sax aheyd ugu gudbiyaan bulshada iyagoo ka dhigay ayuu yiri in aan ra’iisal wasaaraha ku eedeynayo in uu shaqadii wasaaradda la wareegay fara- gelina ku hayo taasoo uu sheegay in ay tahay wax aan meesha qaban.

“Waxaan bogaadinayaa kormeerada joogtada ah oo ra’iisal wasaaraha ku sameynaayo hay’addaha dowlada taasoo dhiirigelin u ah shaqaallaha dowlada, waxaana u mahad celinayaa Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo magacaabay ra’iisal wasaare fiican oo uu ku ogaa karti, isbedel la taaban karana soo kordhiyey” ayuu yiri wasiirka oo hareerihiisa ay fadhiyeen agaasimeyaasha wasaaradiisa.

Warbaahinta sidda qaloocan u faafiyey warkiisa ayuu sheegay in halkii ay xumaanta ka sheegi lahaayeen looga baahnaa in ay ummadda u tebiyaan wararka ku saabsan nabada iyo horumarka dalka ku talaabsanayo.

IMG_5677

IMG_5659 IMG_5663 IMG_5668  IMG_5699

Waxaa uu sheegay in wasaaradiisa daba-gal ku heyso arintaas iyada oo kaashaneysa Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, waxaana uu xusay in lagula xisaabtamayo qaladkaas.