Sharciga Shaqaalaha Dowladda ee 1980 Sharci  L. 5

KOOBINTA

QAYBTA KOOWAAD

SHARCI

               SHARCI  L.  5 ee 2dii febraayo  1980, Sharciga Shaqaalaha Dowladda

QAYBTA LSBSSD

XEERKA

W.  M.

                                    QAYBTA SEDDEXAAD

SAXID QALAD                                   ( EEG Bogga 274)

 Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

 

SHARCI   L. ee  2. 2. 1980 Sharciga Shaqaalaha Dowladda

MADAXWEYNAHA  J.D.S.

ISAGOO ARKAY :     qodobka 82aad  111aad  iyo 113 ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya;

 

ISAGOO AQOONSADAY:Inay tahay lagama maarmaan in Sahqaalaha Dowladda loo         sameeyo Sharci midaysay wax laga beddalo qaar kalana lagu daro;

ISAGOO DHAGAYSTAY:      Taladii Wasiirka Wasaaradda Sahqada iyo Arrimaha Bulshada;

ISAGOO TIXHELIYAY:Go’aankii Golaha Dhexe ee XHKS  taariikhdiisuna  ahayd  11. 10. 1979

WUXUU SOO SAARAYAA

Sharciga soo socda :

QAYBTA 1AAD

QODOBBO GUUD

QODOBKA 1AAD

CADAYN

Ereyada soo socda , haddaan sharciga gudihiisa si kale loogu fasirin, waxaa loola jeedaa sida erey kasta ku dhinac qoran

¾     Golaha Wasiiradawuxuu ka koo banyahay:

Madaxweynaha  JDS  iyo Wasiiradda oo dhan.

¾     ((HEER ))  waxaa loola jeedaa darajojin is leh oo si raacsan sida lagu tilmaamay qodobka 4aad ee Sharciga ;

¾     ((Qoys ))  wuxuu ka koo banyahay qofka Sahqaalaha ah iyo afadiisa/ninkeeda iyo caruurtiisa/caruurteeda aa qaangaarka ahayn.

¾     ((Darajo ))  waxaa loola jeedaa qaybaha heerarka loo kalasarayo.

¾     ((Madaxda  Hayadda ))waxaa loola jeedaa :

b)     Madaxweynaha  J. D. S. marka laga hadlaayo Madaxtooyada   J. D. S.

t)       Wasiirka Wasaaradda qaabilsan.

j)   Sarkaalka u madax ah hay’ad aan wasaarad hoos imaan.

k)    ((Mushaarka))  waa loola jeedaa lacagta uu shaqaaluhu bil waliba xaq u leeyahay in la sii yo,  sida ku cad lifaaqa 1aad ee Sahrcigaan.

((Hay’ad Wasaarad, Wakaalad,  Warshad, Dowladda Hoose, Bankiga ama MAshruuc Dowladdu leedahay ama qayb ku leedahay.

((Howl qaran))  waxaa loola jeedaa Hawl kasta oo qaranka iska leeyahay kana tarjumaysa danta guud ee dalak . Hawsha iskaa wax u qabso waxa loo aqoonsanyahay hawl qaran.

 

 la soco todobaadka dambe