MADAXWEYNAHA IYO WASIIRKA SHAQADA OO DHAGAX DHIGAY DIB U DAYACTIRKA XARUNTII WASAARADDA SHAQADA

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku casuumay  dhagax dhigga dib u dayactirka xaruntii Wasaaradda shaqada Madaxweynaha dowladda Fedaralka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud  in uu  dhagax dhigo xaruntii Wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ee Soomaaliya, halkaas oo lagu sameynayo dib u dhis, iyadoo munaasabadii dhagax dhiga ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Shaqada iyo wasiirka howlaha guud, maamulka degmada Shangaani iyo xubno kale.

 

Guddoomiyaha Degmadda Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in dib u dhiska Hay’adaha Dawladda ay qayb ka tahay dib u soo celinta bilicda magaalada iyo horumarka dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo ka hadlay goobta ayaa tilmaamay inay tallaabo ku aadan hufnaanta iyo Muumul wanaaga ay Xukuumadu ku talaabsatay.

Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimha bulshada Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dib u dayactirka xarunta Wasaaradda Shaqada ay qayb ka tahay soo celinta halkii laga maamulaayey shaqaalaha Soomaaliyeed.

dhagax dhig 4

Ugu danbeyntii Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxaamud oo dhagax dhigay dib u dayactirka xarunta Wasaaradda shaqada ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale ee Dawladda inay ku daysadaan mas’uuliyinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada oo hay’ad waliba ay dib u dayactirato xarunteeda, kana qayb qaadato mashruuca dhiso Dalkaada oo kaalin weyn ka qaadan kara dib u dhiska xarumaha dowladda.

 

Xarunta Wasaaradda Shaqada oo ku taala degmada Shangaani ayaa saameyn ku yeeshay bur burkii dalka, iyadoo muddo badan ay deganaayeen dad shacab ah, kuwaasi oo dhawaan laga raray markii dowladdu ay u baahatay in loogu adeego bulshada.

 

dhagax dhig 0 dhagax dhig 1 dhagax dhig 2 dhagax dhig 3  dhagax dhig 5 dhagax dhig 6 dhagax dhig 7 dhagax dhig 8 dhagax dhig 9 dhagax dhig 10 dhagax dhig 11 dhagax dhig 12 dhagax dhig 13 dhagax dhig 14 dhagax dhig 15 dhagax dhig 16 dhagax dhig 17 dhagax dhig 18 dhagax dhig 19 dhagax dhig 20 dhagax dhig 21 dhagax dhig 22 dhagax dhig 23 dhagax dhig 24