Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1-da May oo Soomaaliya Laga Xusay

Munaasabadan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo isutaga Midowga Ururada Shaqaalaha  Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay Waxqabadka Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaataan horumar dalka.

 

Gudoomiyaha isutaga Midowga Ururada Shaqaalaha  Soomaaliyeed Md Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa dowladda iyo Hey’adaha gaar ah ugu baaqay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan in Shaqaha Soomaaliyeed la horumariyo.

 

”Dhamaan shaqaalaha Soomaliyeed iyo loo shaqeeyaha waxaa rabaa in dadka ganacsatada ah in aan halkaan baaq ugu jeediyo in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha dalka uu leeyahay” ayuu yiri Xaaji.

 

Gudoomiyaahaa gudiga adeeg bulshada golaha Barlamaanka Xildhibaan Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed isla markaasna qiray in shaqaaluha ay yihiin lafdhbarka Dalka.

???????????????????????????????

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Md C/weli Sheekh Muudey oo ka hadlay munaasabada Kowda May  ayaa nasibdo ku tilmaamay in shaqaale gaaraya shankun  ay dalka ka howlgalaan iyadoo ay dadka Soomaaliyeed ay intooda badan ay la’yihiin.

 

“Hadda inta la sameeyay waxaa ay gaarayaan 5750 oo shaqaale ajanabi ah ayaa la diiwaangeliyay 5750 oo Soomaali ah oo shaqaale ah ma jiraan sida uu gudoomiyuhu sheegay 400 iyo wax yar waaye ma qaadan karno arintaasi waana la isga daba tagaya hadii ilaahay yiraahdo” ayuu sheegay wasiir Muudey.

Goobta xaflada ayaa lagu soo bandhigay qoraalo ka turjumaya dhiiro gelinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Xuska 1-da May Maalinta Shaqaalaha Aduunka

 “Aan kuu Sheegee Shaqaalahu waa Sharaftii Dhulka Sharaxaysay”.

  •   1da May – waa  Maalinta Shaqaale weynaha Aduunka 2015
  •   Shaqo La’aan waa Nolol La’aan
  •   Ilaali Sinaanta Shaqaalaha Soomaaliyeed
  •   Xuska Maalinta 1da May 2015
  •  Wada-jirka Shaqaalaha waa  Asaaska Ilaalinta Xuquuqdooda
  •   Shaqada waa loo  Simanyahay
  •   Xoogsatada waa Qeybta  ugu Xooga badan Shaqaalaha.
  •   Horumarka Shaqaalaha Soomaaliyeed waa Asaaska Horumarka Dalka Soomaaliyeed.
  •  Ka soo qeyb galka mas’uuliyiinta  waa u muhiim Shaqaalaha
  •   Shaqaa sharaf leh.

Sanad walba maanta oo kale ayaa laga Xusaa maalinta Caalamiga ah ee 1 Maay oo ah maalinta shaqaalaha aduunka.

May 1 photo 1 May 1 photo 2 May 1 photo 3 May 1 photo 4 May 1 photo 5 May 1 photo 6 May 1 photo 7 May 1 photo 8 May 1 photo 9 May 1 photo 10 May 1 photo 11 May 1 photo 12 May 1 photo 13 May 1 photo 14 May 1 photo 15 May 1 photo 16 May 1 photo 17 May 1 photo 18 May 1 photo 19 May 1 photo 20