Maalinta Naafada Aduunka 3 Dec. 2017 Oo Muqdisho Laga Xusay

Sadexda december oo ah Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka ayaa munaasabad lagu xusayey oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradaha Haweenka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Dastuurka, waxaana loogu talo galay in lagu dhiiro galiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ugu horeyn munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in munaasabadaan ay leedahay ahmiyad gaar ah islamarkaana loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa munaasabdda ka sheegay in dadka Naafadaha ay mudan yihiin in la dhiiro galiyo islamarkaana door wanaagsan ay ku yeeshaan horumarada Bulshada.

Shirka Madasha
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa shegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yahiin in mar walibo ay u adeegaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo gaba gabada munaasabadda ka hadashay ayaa shegtay in xukumadda ay diyaar u tahay in dadka naafada ah la caaawiyo.

16-ka December sanadkii 1962-kii ayey aheyd markii Golaha Guud ee Qaramada Miidoobey ay u aqoonsadeen 3-dii December iney tahay Maalinta Caalamiga ee Naafada Aduunka.

Disable day 3 Dec 2017 Disability day 1