Kulan u dhaxeeya Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulashada iyo Qabiir ka socday Bangiga Aduunka aya ka dhacay xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Qabiir u qaabilsan dhinaca la talinta bangiga aduunka ayaa booqasho ku yimid Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Kulan ay wada yeesheen Xoghayaha joogtada ah  ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Agaasimayasha waaxyaha iyo bangiga aduunka oo uu  horkacayey  James G. wachira ayaa lagu qabtay xarunta Dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulankaani oo ahaa kii ugu horreeyey ee dhexmara Qabiir ka socda Banka Aduunka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa madaxda Wassaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ka warbixiyey Barnaamijka kor u Qaadista Tayada Shaqaalaha Dowlada (Capacity Development Injection).

Waxaana si qoto dheer looga hadlay arrimo ku saabsan tayeynta shaqaalaha wasaaradda iyo qaabka ay ugu qayb qaadan karaan tayeenta shaqaalaha dowlada (capacity Development injection) iyo in tababaro loo qabto agaasimayaasha waaxyaha.

Qaar kamid ah agasimayasha kaso qayb galay shirka aya ka war bixiyay waxyabaha u qab soomay waxyahooda iyo qorshaha u dagan sidoo kale wax ay shegeen caqabadaha ay la kulman  sida in aysan mushaarka si joogta ah u helin shaqaalaha wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo qarashadka kale ee ku baxa  howlaha wasaradda oo aan waqtigeda la helin

Dhinaca World Bank qabiirka  ka socdey  ee soo gaarey xafiiska wasaradda ayaa  ka dalbaday wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iney uso gudbiyan qorsha howleedka waax walba,  wuxu sido kale yiri ”waxa nola so gudbiyay iney wasaradda ka shaqeyso 130 shaqaalo lakin naguma filna warbixintas waxan u bahanahay inan ogano warbixin buuxda oo ku saabsan shaqalahasi iyo inta qof ee jaamici ah (degree), wasaradda ma haysata Agaasimiyal ku filan”.

Xoghayaha Joogtada Hasan Shariif Osman ayaa ugu mahad celiyay Booqashada iyo war bixinta guud ee uu siiyey madaxda Wasaaradda iyo qibradda uu uleeyahay howlaha ay Banka Aduunka usoo dirsadeen in uu kafuliyo dalka Soomaaliya.

wb-molsa-meeting-0jpg      wb-molsa-meeting-6 wb-molsa-meeting-7 wb-molsa-meeting-8 wb-molsa-meeting-9 wb-molsa-meeting-10 wb-molsa-meeting-11jpg wb-molsa-meeting-12jpg wb-molsa-meeting-13jpg wb-molsa-meeting-14jpgwb-molsa-meeting-5wb-molsa-meeting-2wb-molsa-meeting-3wb-molsa-meeting-1wb-molsa-meeting-4