Kulan looga hadlaayay tayeeynta Shaqaalaha Dowalada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Kulan looga hadlaayay tayeeynta Shaqaalaha Dowalada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

 ( Civil service reform and Capacity Development ).

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiraka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, kaasi looga hadlay tayeynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda, waxaana kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada uu ka dhacay magaalada Muqdisho

Masuuliyiintii ka soo qeyb galay kulanka ayaa soo jeediyey in dib loo habeeyo sharciyadii shaqaalaha rayidka, si loo helo nidaam ay ku hawlgalaan shaqaalaha rayidka , islamrkaasina ay raacaan hay’adaha dowladdu.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka ayaa sheegay in Agaasimayaasha Guud ee dowladda laga doonayo in ay la yimaadaan wada-shaqayn iyo isku-xirnaan dhinaca shaqada.

“Agaasimayaashu waxay laf-dhabar u yihiin shaqada Wasaaradaha, waana lagama maarmaan in ay yeeshaan kulamo joogta ah si markasta loo ogaado baahiyaha wasaaradaha, korna loogu qaado habsami-u-socodka howlaha dowladda. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenku.

 Shir Agaasimayaasha  luqman

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Luqmaan Ismaaciil Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in ay muhiim tahay in la tayeeyo aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha.

“Waxaad arkeysaa wasaarad ay joogaan shaqaalo tira badan oo aan lahayn xirfadihii iyo aqoontii loo baahnaa, lama eryi karo aqoontooduna wasaaradihii ma kaabayso, marka waxaa lama huraan ah in tababar loo furo si aqoontooda kor looug qaado halkii laga eryi lahaa” sidaasi ayuu yiri Wasiir Luqmaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Aweys Xaddaad ayaa dhankiisa sheegay inay jiraan baahi ballaaran oo ay qabaan shaqaalaha Dawladda, marka la eego dhinacyada horumarka iyo tayada aqoontooda, isla markaana laga doonayo Agaasimayaasha in ay arintaasi xalkeeda raadiyaan.

Ugu dambeen, waxaa laysku raacay in la dhiso guddi ka kooban qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud iyo khubaro Soomaaliyeed oo ka soo baaraandaga dib-u-habayn la doonayo in lagu sameeyo xeerka shaqaalaha Dowladda. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isla-markaasina loo sameeyo tababaro iyo aqoon-kororsi.

Shir Agaasimayaasha  1Shir Agaasimayaasha  2

Director of Public Relation & Communication (PRC)

Ministry of  Labor and  Social affairs