Kulan  looga arrinsanayey dib u habeynta xiriirka ururada shaqaalaha oo manta ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Kulankaan oo laga hadlaayey sidii loo hormarin lahaa dib u dhiska xiriirka ururada shaqaalaha iyo muhiimada uu u leeyahay ayaa waxaa daah furay agaasiamaha waaxda shaqda ee wasaaradda shaqada C/risaaq macalin cilmi ayaa wuxuu yiri “xiriirka ururada shaqaalaha muhiimad gaar ah ayuu noo leeyahey hadaan nahay shaqaale waxaa jiro xuquuqo badan oo naga maqan ururkan wuxuuna wakiil  ka noqon doona dhamaan shaqaalaha dal iyo dibadba , dadaal badan oo aan sameenay iyo kulamadii hore waxaan uga tashanay in aan dhisno guddi qaban qaabin ee ka shaqayn lahaa soo dhisida ururkaan waa in ay naga go’an tahay in aan juhdi ku bixinaa sidii an u dhisi laheyn ururkaan”

Sidoo kale agaasime c/risaaq macalin  wuxuu intaas ku daray in uu wado dadaalo badan oo la sameyey hay adaha arimaha shaqaalaha la xiriira  si loo hormariyo dhisida xirirka ururda shaqaala.

Dood furan ka dib waxay soo jeediyeen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin

  • in la sameyo sharciga ururkaan si loo hormariyo siyaasada lagu shaqeyn doono ,
  • in la raadiyo dad qabiir ku ah fah faahin iyo fahan dheerna ka bixiya ,
  • in la sameeyo siminaaro lagu baranaayo xiriirka ururada shaqaalaha ,wasaaraddaha ka maqan madashaan in ay kasoo qeyb galaan si wada jir wax loogu dhiso

Burburkii dowladii dhexe ka dib wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada waxay dadaal weyn u gashay sidii ay uga shaqeyn leheed in ay dib u habeyn ku samayso xiriirka ururada shaqaalaha waxaan dhawan la dhisi doona ururka

Kulan ayaa ku soo idlaaday jawi is fahan iyo qaabka loo dhisi karo Xiriirka ururada shaqaalaha dowladda

XUSHAD 2 XUSHAD 6 XUSHAD 0