kulan lagaga hadlaayey Fakrado shaqo loogu Abuuri karo Dhilinyarada oo ka dhacay muqdisho

Kulan lagaga hadlayey Fakrado shaqo u helida dhalinta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Shamo ee Magalada Muqdisho, kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay’ada (Arab Thought foundation) ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda hay’ada Arab Thought foundation iyo Masuuliyiinta Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada Agaasimka Shaqada iyo Dhalinyarada, Xildhibaano iyo 25 xubnood oo laga soo xulay Ururada Dhalinyarada Soomaaliya.

Safiirka Hay’ada fekerka Dhalinta Carbeed Ambasador Jabriil Cumar Maxamed oo kuhadlay magaca Arab Thought foundation ee soo abaabulay kulanka shaqo abuurista ayaa sheegay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii ay shaqo ugu abuuri lahayeen dhalinyarada ay haysato shaqo la’aanta ayna u bari lahayeen xirfado ay ku shaqeystaan, asaga oo ka taariqeeyay qaab dhismeedka Hay’ada iyo wax qabadka, ayuu yiri ” waxaan xubin ka nahay dalalka carabta( Arab thought foundation) xuquuqda aan ku leenahay waa ay inoo ogol yihiin,sida shaqo abuurista, ka qeybgalka Shirarka danaha carabta IWM”, waxuuna u mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha kulanka.

Aweys Sheekh Xaddaad

Agaasimaha Guud Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada Aweys Sheekh Haddad ayaa ugu mahadceliyey Arab Thought Foundetion fikirka wanagsan ee ku dhaliyey in Dhalinyarada Walaalahooda ee Somaliya ay ogaadaan xaaladahooda ay uga noolyihiin Magaalada Muqidsho “Arab Thought Foundation waxaan uga baaqayaa anoo ku hadlaya Magaca Wasaarada in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay la weyn tahay fursadaha shaqo u abuurista, waxaa ka fakarnaa in aan u helno shaqo dhalinta baratay xirfadaha kala duwan”.

Xildhibaan Adan Maxamed Cali ayaa ku tilmaamay kulanka mid loo baahnaa islamarkaana ka mid yahay qidmada shacabka ay uga mas’uulka tahay dowladda hase yeeshee uu horgeyndoona Baarlamanka fedaralka Soomaaliya fikradaha laga soo ururiyo dhanka mashruuca shaqada loogu abuurayo qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliya.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada mudane Isxaaq Xaashi Jimcale  soo dhaweeyay Arab Thought Foundation iyo mashruuca shaqo abuurista hasayeeshee waxa uu ku booriyay dhinacyada maamulaya mashruuca looga baahanyahay adkaynta Qadiyada Shaqo abuurku tahay arrin Qaran,oo Mudan in Si Wada Jir ah loo Waajaho