Kulan  laba geesood ah  ay wada qaateen  Wasaaradda Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada iyo hay’adda IOM oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda shaqada

 Kulan u dhaxeeyay  Wasaaradda Shaqada iyo  IOM ta ayaa kaga furmay xarunta dhexe ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Magaalada Muqdisho, waxaana shir gudoominaayey Wasiirka  Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac, masuuliyiinta kasoo qeyb gashay shirka waxaa ka mid ahaa ,Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar,Lataliyayaasha Waasaradda Yuusuf Salaad Warsame, Agaasime waaxeedyada wasaaadda,dhanka hay’ada IOM waxaa hogaaminayey mas’uulka ugu sareeya ee u qaabilsan IOM  Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid  wada tashi iyo isbarasho dhex martay mas’uuliyiinta kasoo qeyb gashay  waxaa looga hadlay qaabkii loo dardar galin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda iyo IOM, Ujeedadiisuna  ahaa u kuur galida iyo ogaanshaha baahida ay qabto Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo sidii loogu caawin lahaa waxyaabaha ugu muhiimsan .

Ugu horeyntii waxaa ka hadley Wasiirka  Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac “aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay In aan maanta  idin ku qaabilo xafiiska wasaarada shaqada,maanta waxaan noo bilaabanaya waji cusub oo wada shaqeynta  IOM iyo Wasaaradda waxaan doonaya wada shaqeyntaasi in ay  ahaato mid ka duwan tii hore oo miro dhal ah , IOM iyo Wasaaradda waxaa ka dhaxeysa wada shaqayn caalami ah”.

Shirka Madasha

wada hadalka kulanka ayaa ahaa mid  xasaasi ah waxaana si furan looga hadlayay  talooyin wax tar leh, Agaasimeyaasha  iyo lataliyeyaasha Wasaardda Shaqada iyo Arrimaha ayaa sheegey in ay fursad weyn u tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kulankani ee la yeelanayaan mas’uuliyinta kasocda IOM “ waxaan rajenayaa in aan wada yeelan  doono wada shaqeyn horumar gaar siiya dhammaan howlaha  wasaaradda iyo IOM  u dhaxeeya” .