SHARCIGA Shaqo-qorista Shaqaalaha Shisheeye

MUDANE\ MARWO:- AQRISTE KA SOO DAJISO PDF KAN (DOWNLOADING)

Riix halkan  sharciga ajaanibta

 SHARCIGA.

Shaqo-qorista Shaqaalaha Shisheeye

Waxaa diyaariyey:
Wasaaradda Shaqada & Airimaha. Bulshadda

SHARCIGA SHAQO-QORISTA SHAQAALAHA SHISHEEYE

Qodobka 1aad:
Eray-Bixin

Shisheeye: waxaa loola jeedaa qof aan ahayn muwaadin Soomaaliyeed.
Ruqsad: waxaa loola jeedaa “Ruqsadda Shaqo ee la siiyo shaqaalaha shisheeyaha ah”.
Haysta Ruqsadda Shaqada: waxaa loola jeedaa qofka shisheeyaha ah ee la siiyey ruqsadda shaqada.
Guddi: waxaa loola jeedaa Guddiga Qiimaynta Codsiga Ruqsadda Shaqo.
Agaasimaha Guud:waxaa loola jeedaa Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda.
Wasiirka: “Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bushada”
Wassaarada: waxaa loola jeedaa “Wassaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda”

Qodobka: 2aad
Saameynta Sharcigan
Sharcigani ma saameeyo:

1. Xubnaha Ergooyinka Diblomaasi ahaan ku jooga dalka JFS.
2. Xubnaha Ergooyinka Qunsuliyadaha.
3. Qaxootiga iyo dadka magangelya-doonka ama magangelyada ku jooga Dalka ee lagu dhaqo heshiisyada caalamiga ah.

Qodobka: 3aad
Shuruudaha iyo Shaqooyinka ka Reeban.

B) Shaqooyinka ka reeban shisheeyaha waxaa lagu qeexi doonaa Xeer gaar ah oo wasiirku soo saaro.
T) Iyada oo la raacayo Sharciga Socdaalka, qofka Ajnabiga ah wuxuu Dalka JFS, ka hawlgeli karaa, Marka uu helo Ruqsad Shaqo oo ay bixisey Wasaaradda, si sharci ah ku soo galo dalka, haystana “Ruqsad joogitaan ama deganaasho, marka laga reebo Dadka ku soo galay “Qaxootinnimo”.
J) Wasaaraddu ma siin karto qof Ajnabi ah ruqsad shaqo ee uu qaban karo Qof muwaadin soomaali ah;
X) X) Iyada oo loo hoggaansamayo Sharciga Socdaalka, qof kasata oo doonaya inuu qorto shaqaale shisheeye ah wuxuu codsi qoraal ah u soo gudbinayaa Wasaaradda, Isaga oo u hadlaya Qofka Ajnabiga ah ee shaqaalaha ah.
Kh) Wasaaradda waxay shaqaalaha shisheeye ee shaqo doonka ah siin kartaa Ruqsad shaqo, kadib marka uu Dalka si sharci ah ku soo galaan, buuxiyaana dhammaan shuruudaha sharcigu farayo.
d) Shaqaalaha Ajnabiga ee gudaha laga qoro iyo kan muwaadinka soomaaliga ah ee ay isku aqoonta iyo waayo aragnimada leeyihiin waa in ay sinaadaan xagga mushaarka iyo wixii xuquuqa ah oo kale.

Qodobka 4aad :
Shuruudo dheeraad ah.
Wasaaraddu marka ay bixinayso Ruqsadda shaqada, waxay raacin kartaa in uu qofkaas buuxiyo shuruudo cayiman oo lagama maarmaan ah.
Qodobka: 5aad
Dalabka Ruqsadda Xagga Maal-gashiga.

B) Shaqaalaha Ajnabiga ee soo gelitaanka Dalka loogu oggolaaday sida uu dhigayo sharciga dhiirrigelinta Maalgelinta shisheeye, wuxuu “ Ruqsadda Shaqada” weydiisanayaa Wasaaradda 30 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta uu soo galay Dalka.
T) Inta lagu guda-jiro habraaca bixinta “Ruqsadda Shaqada”, qofkaas ajnabiga ah, ee soo gelitaankiisu la xiriiro maal-gelinta shisheeye waxaa loo oggol yahay inuu sii hawl-galo.

Qodobka: 6aad
Degganaanshaha iyo Dal-ku-galka:

Shaqaalaha Ajnabiga ee si rasmi ah u weydiisanaya ama loo-shaqeeyuhu u weydiinayo “Ruqsadda shaqada” waa inuu:
B) Haystaa degaanaansho, dal-ku-gal shaqo ama si ku-meel-gaar ah loo siiyey dal-ku-galka, si waafaqasan Sharciga Socdaalka JF ee Soomaaliya ee aanu dalka ku soo gelin qaabab kale, sida dalxiisi ama dal-ku-gal maritaan (transit visa).
T) Aanu noqon qof hore loogu diiday soo-gelitaanka Dalka JF ee Soomaaliya.

Qodobka: 7aad

Shaqooyin si Gaar ahaaneed loo Fasaxay:

Ajaanibta soo socota waxay Dalka ka qaban karaan shaqooyin uu Wasiirku si gaar ah ugu fasaxay:
B) Dadka la masaafurinayo, inta ay ku suganyihiin goobaha ku meel gaarka ee lagu sii-haynayo.
T) Ajaanibta dalka sharci-darro ku soo galay ee sugaya masaafurin.
J) Kuwa Dalka ku dhashay laakiin aan qaadan jinsiyadda soomaalinimada marka la eego Sharciga Jinsiyadda ee Soomaaliya.
X) Ajaanibta/Shisheeyaha ee lagala noqday Jinsiyadda.

Qodobka: 8aad
Muddada Ansaxnimada Ruqsooyinka Shaqada:

Ruqsooyinka shaqada ee lagu bixiyo sharcigan waxay ansax ahaanayaan muddo hal sano ah oo ka bilaabata taariikhda la soo saaray ruqsadda shaqo. Waxaa taas ka baxsan “Ruqsadda shaqo” ee la siiyey qofka ajnabiga ah, ee si ku-meel- gaar ah loogu oggolaaday soo-gelitaanka Dalka, si waafaqsan Shariciga Socdaalka, waxay ansax tahay muddada oggolaanshihii ku-meel-gaarka ahaa, laga bilaabo taariikhda la soo saaray.

Qodobka: 9aad
Dheeraynta Muddada Shaqada:

B) Haddii qof haysta Ruqsad shaqo lagu bixiyey si waafaqsan sharcigan, loo dheereeyo muddada shaqada iyada oo la raacayo Shuruudaha, Ruqsad-haystuhu wuxuu wargelinayaa Xafiiska Diiwaan-hayaha Wasaaradda oo muddo dheerayntaas ku dul qoraya Ruqsadda, Shaabada rasmiga ahna dulsaaraya.
T) Mudda dheerayntu waa ineysan ka badnaan markiiba sedex (3) Bilood taas oo naqoneysa mid ku xiran baahida Shaqada ee jirta.
J) Hadii qofka Ajnabiga ahi Dal ku-Galka ka dhaco, looma cusboonaysiin karo ilaa wasaaradda la ogaysiiyo.

Qodobka: 10aad
Cusboonaysiinta Ruqsadda Shaqo:
Inta aysan dhicin Ruqsadda Shaqada, haddii Ruqsadluhu doonayo inuu shaqada sii-wato, waa inuu weydiisto Wasaaradda in loo cusboonaysiiyo. Marka ay jirto xaaladdan, weydiistaha/codsadaha cusboonaysiinta ruqsadda wuu sii-wadan karaa shaqadiisa ilaa Wasaaraddu ka soo saarto diidmo ama ogolaansho cusboonaysiin Ruqso, iyadoo cusboonaysiin kasta muddada ay ansaxa tahay ay noqonayso hal Sano.

Qodobka:11aad
Diidmada Bixinta ama Cusboonaysiinta Ruqsadda:

B B) Haddii la diido bixinta ama cusboonaysiinta Ruqsadda Shaqada, weydiistuhu/codsaduhu wuxuu xaq u leeyahay cabasho Racfaan in uu u qorto Wasiirka, muddo 30 maalmood ah gudahood oo ka bilaabata Taariikhda uu ogaado amarka diidmada.

T) Cabashadaas, marka ay gaarto Xafiiska Wasiirka, waxaa loo gudbinayaa Guddiga Qiimaynta shaqaalaha Ajnabiga ah, oo arrinta talo ka siinaya Wasiirka, muddo 15 maalmood gudahood, Wasiirkuna wuxuu go‟aan kaga gaarayaa mudo 30 Maalmood gudahood.
J) Go‟aanka ama Amarka diidmada Wasiirka waxaa cabasho looga qaadan karaa Maxkamadda Sare ee JF ee Soomaaliya oo leh Awoodda dhegaysiga dacwadaha madeniga ah.

Qodobka:12aad
Habka Haysashada Ruqsadda.
Sitaha “Ruqsadda SHaqada” waa inuu Ruqsadda isagu haystaa ama ay u taallo goobta Shaqada si uu u tuso Saraakiisha ku Shaqada leh, marka loo baahdo.

Qodobka: 13aad
Googo,ida Ama Lumida Ruqsadda:

B). Haddii “Ruqsaddu googo‟do ama lunto, Ruqsadluhu waa inuu Wasaaradda weydiisto si loogu beddelo,15 (shan iyo toban) maalmood gudahooda, oo ka bilaabata Taariikhda uu ogaaday in ay Ruqsaddu Googo’ddey Ama luntay.

T) Haddii Ruqsadda shaqadu ay lunto, waa inuu Ruqsadluhu ku qoraa Jaraa„idka Dalka midkood lumidda Ruqsadiisa shaqada kuna wargeliyaa Saldhiga Booliska ee degmadiisa, ka dibna u soo gudbiyaa Qoraalada Talaabooyinkaas Wasaaradda muddada ku xusan faqrada (B) ee qodobkaan.

Qodobka 14aad
Ka-tegidda Shaqada ku Cayiman Ruqsadda.

Haddii qofka Ajnabiga ahi ka tago shaqadii ruqsadda ku cayinnayd, waa inuu ruqsadda u celiyo Xafiiska Wasaaradda u qaabilsan, 7 (todoba) maalmood gudahood, ee ka bilaabata taariikhda shaqa-ka-tegista (istiqaalada), arintaas meelmarinteeda waxaa u xilsaaran loo shaqeeyaha (Hayad,shirkad).

Qodobka: 15aad
Gelitaanka Shaqo ka duwan tan ku cayiman “Ruqsadda”:

Sitaha Ruqsaddu ma qaban karo shaqo ka duwan tan ku cayiman “Ruqsadda”, mana beddeli karo goobta shaqada ee ku cayiman Ruqsadda, haddii aan fasax laga haysan Xafiiska Wasaaradda ee ku shaqada leh

Qodobka: 16aad
Qoridda Ajnabi aan haysan “Ruqsad Shaqo”:

Looma dhiibi karo shaqo qof ajnabi ah oo aan haysan Ruqsad shaqo, sidoo kale looma dhiibi karo shaqo ka duwan tan ku cayiman ruqsadda shaqada uu haysto.

Qodobka: 17aad
Qorista, Beddelka iyo/ama is-casilidda Shaqaale Ajnabiga ah:
Cid kasta, ee shaqo u qorata Qof Ajnabi ah, ama Shaqaale Ajnabi ah u beddesha ama ka hawlgelisa meel ka duwan meesha ku cayiman “Ruqsadda” uu haysto, ama haya Ajnabi shaqada iska-casilaya, waa inuu wargeliyo Xafiiska agaasinka Guud ee Wasaaradda, 15(shan iyo toban) maalmood gudahood oo ka bilaabata Taariikhda qorista, beddelka ama iscasilaadda.

Qodobka: 18aad
Guddiga Qiimaynta Shaqaalaha Ajnabiga ah:

B) Waxaa la dhisayaa Guddi qiimeeya shaqaalaha Ajaanibta ee uu xubnihiisa magacaabo Wasiirka Wasaaradda, Guddigaas waxaa loogu magac-daray “Guddiga Qiimaynta Shaqaalaha Ajaanibta”;
T) Guddigu wuxuu ka koobnaanayaa xubnaha soo socda:
1. Xubin uu soo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo
Arrimaha Bulshadda.
2. Xubin uu soo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
3. Xubin uu soo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
J) Guddiga ayaa degsanaya nidaam-howleedkiisa gaar ahaaneed.
X) Xubnaha guddiga waxay xilka haynayaan 2 (labo) sano dibna waa loo magacaabi karaa xilli kales.
KH) Guddiga waxaa hogaaminaya Xubin ka tirsan Wasaaradda.

Qodobka:19aad
Xil waayida xubinnimada Guddiga qiimaynta shaqaalaha ajnabiga ah:

B) Xubnaha Guddiga, dhammaadka muddada xilka ka sokow, waxay xafiiska bannaynayaan haddii sababaha soo socda awgood ku yimaadaan:
1. Geeri.
2. Is-casilaad.
3. Xil gudasha la, aan.
4. Ama in lagu cadeeyo Danbi shaqada lagu waayi karo.
5. Xil-ka-qaadis Wasiirku ku sameeyo.
T) Guddigu waxuu diyaarinayaa warbixin 3(sedex)Biloodle ah,isaga oo u gudbinaya Wasiirka Wasaaradda oo la wadaagaya xafiisyada ay khuseyso warbixinta.

Qodobka: 20aad:
Guddi-Hoosaad.

Guddigu wuxuu awood u leeyahay in uu ka codsado wassiirka wassaarada magacaabista guddi-hoosaad fuliya hawl ama arrin ku jirta waajibaadka Guddiga loo idmaday, Guddi hoosaadkaas oo la shaqayn doona Xog.Haynta Guddiga Qiimeynta Shaqaalaha Ajnabiga ah.

Qodobka: 21aad
Awoodda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, isaga oo hawlgelinaya waaxda shaqada islamarkaana gudanaya waajibaadka ku xusan Sharcigan, wuxuu awood u leeyahay:
1. Inuu soo saaro xog-waraysi qoraal ah ama qof kasta ugu baaqo inuu soo bandhigo macluumaad ku saabsan shaqaale Ajnabi ah, isla markaana ka dalbo inuu keeno wixii qoraal iyo caddayn ee uu hayo.
2. Galo goob kasta, xilli la‟aaminsanyahay inuu yahay xilli shaqo ka socoto, loogana shakisan yahay in qof ajnabi ah uu ka shaqaynayo Goobtaas si loo xaqiijiyo dhowritaanka iyo u-hoggaansanaanta Sharcigan.
3. Agaasimaha Guud oo hawlgelinaya waaxda shaqada ee wassaarada wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu baaro ama ka dalba qofka mas’uulka ka ah ama xiriirka la leh goobta la baarayo macluumaad Milkiilaha ama qofka deggan hoygaas ama qofka mas„uul ka ah waxaa waajib ku ah inuu fududeeyo hawlahaas baaritaanka ah.

Qodobka: 22aad
Baarayaasha Xafiiska Shaqada Degmooyinka.

Baarayaasha Xafiiska Shaqada degmooyinka waa in ay haystaan oo sitaan warqado aqoonsi, marka ay gudanayaan xilkooda waa inay warqadahooda aqoonsiga tusaan dadka ay hawlahoodu la xariiraan, sida uu qabo qodobka 110 xeerka shaqada(labour code) lambar 65 ee 18/10/1972 .

Qodobka 23aad
Xad-gudubka shaqaalaha Ajaanibta ah:

B) Ajnabiga shaqo-gala isaga oo ku xad-gudbaya Sharcigan wuxuu mutaysanayaa ciqaab xarig ah oo aan ka badnayn 2 sano ama ganaax aan ka yareyn 5,000 (shan kun) Doollarka Maraykanka ama Shillin Soomaali u dhigma, iyada oo laga duulayo markasta heerka shaqada ee shaqaalaha Ajnabiga hayo, ka dibna waxaa loo gudbinayaa waaxda Socdaalak.
T) In wixii Lacaga oo sharcigaan la xariira lagu shubo khasnadda Dhexe Dawlada.

Qodobka: 24aad
Xad-gudubka loo-shaqeeyayaasha:

Cid kasta, ee qorata shaqaale Ajnabi ah ee aan haysan “Ruqsad Shaqo”, waxay mutaysanaysaa ciqaab ganaax ah ee u dhexeeya 5,000(shan kun) ilaa 10,000(toban kun) oo Doollarka Maraykanka ama lacag- Shilin Soomaali u dhiganta.

Qodobka: 25aad
Shaqaalaha Ajnabiga ah ee la qoray Sharcigan ka hor:

B) B) Loo-shaqeeye kasta, ee dhaqan-galka Sharcigan ka hor qortay, una shaqeeyaan shaqaale ajaanib ah, waa inuu Wasaaradda u gudbiyaa macluumaad tifaf-tiran ee la xiriira shaqaalahaas, kana diiwaan-geliyaa.
T) Waxaa kale oo Loo-shaqeeyayaasha la farayaa inay shaqaalahaas Ajnabiga ay u dalbaan “Ruqsad shaqo” si waafaqsan Habraaca Sharcigan.

Qodobka: 26aad
Xeer-nidaamiyaha Sharcigan:

Wasiirka Wasaaradda wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye lagu fulinayo Sharcigan.

Qodobka: 27aad
Shuruucdi hore:

Wixii sharcigaan laga waayo waxaa loogu noqonayaa shuruucdi hore ee shaqaalaha ajnabiga ah.

Qodobka:28aad
Dhaqan-gal.

Sharcigani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu Barlamaanka FS ansixiyo, saxiixana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda FS.

 Sharciga Ajaanibta

Ajnabiga

Waxaa diyaariyey:

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshadda