GUDIGA FARSAMADA MASHRUUCA SHAQO SIINTA DHALINYARADA  OO KULAN KOODII  KOOWAAD  LAGU QABTAY XARUNTA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA

Shirkaan ayaa waxaa  looga arinsanayey  sidii loo dardar gelin lahaa mashruuca shaqo siinta dhalinyaradda, waxaana goob joog ka ahaa guddiga farsamada ee laga soo magacaabay wasaaradaha quseeya mashruuca shaqo siinta dhalinyarada ayadoo ay soo gudbiyeen macluumaad ku aadan sidii uu u hirgali lahaa mashruuca shaqo siinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha waaxda qorsheynta wasaaradda shaqada Salaad Xussen Cabdulle oo warbixin kooban ka jeediyey shirkaan ayaa yiri : “mashruucaan wuxuu soo socday waqtiyo kala wuxuuna soo maray heerar kala duwan waxaana bishiiba qabaneynaa  hal kulan si loo dardargaliyo macluumaadka aad soo ururiseen  in aad  soo gudbisaan,  wasaarad waliba  waa in ay wasiirada ay u gudbiyaan natiijooyinka kasoo baxay shirarka, sidoo kale waa in la helaa qof joogto ah si uu u guuleysto mashruucaan “

Masuuliyiintii ka socday wasaaradaha ayaa madasha ka jeediyey in ay jiraan mashruucyo badan  aysan war ka haynin faaidada uu uleeyahay dhalinyarada waxayna sheegeyn in baaris ku sameyn doonan waxayna soo dhaweyeen in wasaarad walbo ay marti galiso kulamadaan oo kale si ay isku dhaxgalaan wasaaradaha waxayna soo gudbiyeen qorshaha iyo wax qabadka mashruucaan in ay ku hormarin doono dhalinyarada caqabadaha jirana ay xalin doonaan.

 Lataliyaha wasaaradda shaqada Yuusuf Salaad ayaa soo gudbiyay natiijadii iyo macluumaadka ay kasoo ururiyeen  mashruucaan wuxuuna yiri

 1: in si buuxda oo firfircoon looga qeygalo hawlaha iyo hirgelinta mashruuca

2: in lasoo dhaweeyo dadaalka ay wadaan deeq ay wadaan deeq bixiyaasha waxayna booriyeen in sida ugu fican looga fa’iidaysto mashruuca JPYE/YES in la helo   dibna loogu noqdo, lana darso dokomintiyada/qorallada  Rasmiga ah ee mashruuca JPYE / YES  si looga hirgaliyo qaabka loogu talagalay mashruuca , loogana gaaro faa’idadii laga filaayay.

3: In la xoojiyo maamul goboleedyada  mashruuca ugu qayb galaya shirna loogu qabto inta aan la gaarin kulanka gudiga sare ee hogaaminta.

Gabagabdii barnaamijkaan ayaa waxaa soo xiray Xoghayaha joogtada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada wuxuuna yiri “ waa kulan ugu horeeyay ee barnaamijkaan ee aan uga hadleynay sidii wasaaradaha ay ugu warqabi lahaayen mashruucyada hay’adaha dabagalna ay kusoo sameyaan wasaaradaha mashaariicda qaabka ay u wadaan wali ma dhicin la xisaabtanka iyo daba gal in lagu sameeyo hay’adaha mashruucyada socda waa in aan ku hormarinaa dhalinyarada  si ay u yaraadaan dhalinta shaqo la’aanta ah “

JPYE meeting 2 JPYE meeting 3 JPYE meeting 4 JPYE meeting 1