Guddiga Fulinta Xiriirka Guud Ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya Oo Ku Kulmay Muqdisho.

Kulan kan oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha guddiga fulinta xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda ayaa waxaa looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa dar dar gelinta howlaha xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda.

Guddiga fulinta ayaa ka kooban Agaasime waaxeedyada shaqaalaha ee hey’adaha dowladda, guddiga oo aad uga dooday arrimaha xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda ugu horeen waxaa shirka furay cabdirisaaq macalin cilmi guddoomiyaha xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda dood iyo falan qeyb dheer ka bacdi waxa ay soo saareen war-murtiyeed ka kooban Afar qodob waxaana kamid ahaa :-
1. Sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa shaqaalaha dowladda
2. Sidii loo dhameystiri lahaa magacaabista xubnaha xiriirka
3. Sidii loo uruurin lahaa shuruucda xiriirka
4. Sidii loo qalabeyn lahaa xafiisyada xiriirka.

Cabdirisaaq Macalin Cilmi Guddoomiyaha xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda oo la hadlay munaasabadda waxa uu tilmaamay in xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda uu soo maray mar xalado adag laakiin hadda uusan joogin meeshii hore, meel wanaagsana ay wax u marayaan.
Nuur Axmed Diiriye Guddoomiye kuxigeenka xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda oo kulanka qeyb ka ahaa waxa uu xusay in xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda uu ahmiyadd weyn u leeyahay shaqaale weynaha soomaaliyeed.

Maxamed macalin iimaan Abuu-Fayle agaasimaha shaqaalaha ee wasaaradda dekadaha iyo duulista hawada oo ka hadlay kulanka waxaa uu sheegay in ururkaan uu yahay mid loo baahnaa in mar hore la dib loo howgeliyo balse hadda ay tahay guul iyo farxad usoo hooyatay shaqaalaha guud ee soomaaliyeed.
Gaba gabadii bishii tagtay ee janaayo ayey aheyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada lagu aqoonsaday guddoonka kumeel gaarka ah ee xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda.

SOWU 0 SOWU 1 SOWU 2 SOWU 3

Tani waxa ay ka dhigan tahay bilow cusub oo usoo ifbaxay xiriirka guud ee shaqaalaha dowladda.