Godoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo shir la yeeshay shaqaalaha wasaaradda

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha mudane Cabdiwali sheekh ibraahim muudeey ayaa la Shiray dhamaan Shaqaalaha kala duwan Ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada kaasoo ujeedkiisu ahaa baraarujin iyo dardaaran uu wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada usoo jeediyey dhamaan shaqaalaha wasaaradda.

Ugu horayn shirka waxaa daah furay xoghayaha joogta ah ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada asigoo kusoo dhaweeyey wasiir kuxigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane cusmaan libaax wuxuuna wasiir ku xigeenka yiri : “wasiir mudeey wuxuu sameeyey wax qabad badan oo hormar ah intuu nala joogay oo ay ugu wayntahay inuu noqday wasiirka ku guuleestay inuu dib u dhis ku sameeyo wasaaradda oo aan maanta joogno muddo 25 sanno kadib, hadii uu sharciga ogolaan lahaaa waxaan dhihi lahaa wasiir mudeey asigoo gudoomiye kuxigeen ah hanoo sii haayo xilka wasiirnimo”

Wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada kasoo loo doortay  gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ugu danbayn shirka ka jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa asigoona shaqaalaha wasaaraadda shaqada iyo arrimaha bulshada ku bogaadiyey in waxwalbo ay ka hormariyaan somalinimada iyo isku duubnida shaqalaha dhexdooda ah, wasiir mudeeey ayaa sidoo kale yiri: “hadii la ii doortay gudoomiye kuxigeenka kowaad ee baarlamaanka soomaliyeed micnaheedu ma’ahan inaa wasaaradda ka tagay, wasaaradda waan joogayaa ilaa wasiir cusub looga soo magacaabo xitaa hadii wasiir cusub loo soo doorto Wasaaradda waan la shaqayn doonaa haduu Alle idmo waxaana idinkula dardaarmayaa inaa isku duubnaataan oo wada shaqayn idin dhex marto”

Ugu danbeyn Dhamaan Shaqaalaha Wasaradda qeybaheeda kala duwan ayaa Hambalyo iyo bogaadin udiray Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

shir Gudoomiyaha 5

 shir Gudoomiyaha 1 shir Gudoomiyaha 2 shir Gudoomiyaha 3 shir Gudoomiyaha 4  shir Gudoomiyaha 6 shir Gudoomiyaha