Ciyaar lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha adduunka 1da May oo galabta ka dhacday garoonka Wiish ee magaaladda Muqdisho

Koob lagu xusaayay munaasabada 1da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka ayaa galabta garoonka Wiish waxaa lagu ciyaaray kullan xiiso badan kaasoo lagu maamuusayay maalintaas ku weyn dunida.

Kullanka ayaa waxaa is arkay koox ku ciyaareysay magaca Wasaaradda iyo xiddigo kala duwan oo laga soo xulay kooxaha ka ciyaara dalka iyo ciyaartooydii cuslaatay.

Goobta ay ciyaarta ka dhaceysay waxaa ku sugnaa masuuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo hormarinta arimaha bulshada mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,xubna ka socday wasaardaha kala duwan ee dalka, masuuliyiin ka tirsan GOS iyo xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya.

Koobkii lagu maamuusayay 1-da May waxaa ku guuleysatay kooxdii ku ciyaareysay magaca wasaaradda iyadoo halkaas lagu guddoonsiiyay koob aad u qurux badan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo hormarinta arimaha bulshada mudane Saalax Axmed Jaamac oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay shaqsiyaadkii soo qaban qaabiyay kullankaas, isagoo dhanka kale sheegay in Wsaaraddu ay waddo qorsho ay shaqo ugu abuureyso dhallinta Soomaaliyeed.

Sikastaba Soomaaliya ayaa si weyn loogu xusaa maalinta shaqaalaha adduunka, waxaana inta badan dalka lagu qabtaa munaasibado iyo koobab loo dhigo kooxaha ka dhisan dalkeena.

 

IMG_1416 IMG_1419 MOLSA PR 1da May 2017

source

SAWIRRO XUL AH: Ciyaar lagu maamuusayo maalinta shaqaalaha adduunka oo galabta ka dhacday garoonka Wiish