AGAASIMAHA QORSHEENTA WASAARADDA SHAQADA  OO KORMEER SHAQA KU TAGAY  XARUN  LAGU TABABARAYAY DHALINYARO SOOMAALIYEED

Warbixin Kooban

Sida aan wada ogsoon nahay Barnaamijka Shaqo u Abuurida Dhallinyarada waxaa ku mideysan, Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed oo qaabilsan qeybta Kormeerka iyo Isku xirka habsami u socodka howlaha Mashruuca, UNka oo fulinaya mashruuca, iyo Dowlda goboleedyada oo ah goobaha  mashruuca laga fulinayo.Haddaba, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo ka duuleyso  dowrka kormeereed oo ay ku leedahay Mashruuca Shaqo u Abuurida Dhalinyada Soomaaliyeed(MSHADS),ayaa Isku Duwaha Qaranka ee Masharuuca MSHADS, ahna Agaasimaha Waaxda Qorhseynta iyo Maamulka Mashaariicda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ENG. Salad Hussein Abdule, waxa uu kormeer howleed ku tagay Xarunta Xirfad Barashada UNHABITAT qeybta ku taala Caasimadda Muqdisho, Taariikhda Markey ahayd 29/12/2016. Ugu horeyntii  Isku-duwaha waxa uu la kulmay, Liibaan Cabdi Macalin, ooka mid ahaa muasuuliyiinta xarunta , waxa uuna ka wareystay  guud ahaan tababarka iyo faa’iidada uu u yeeshay tababartayaasha, waxa uuna ku jawaabay sidatan

Xirfadaha xarunta lagu barto waxaa ka mid ah:

  • Kombuuterka
  • Xirfadaha Nolosha oo ay kamid yihiin; habka hogaaminta, habka maareynta nolosha:
  • Sameynta Marmarka ama matuleelka oo qeybo kala duwan leh, sida midka Marshibeetiga( Pavement) Lagu sameeyo( Interlock) iyoKan guryaha lagu sameeyo(Tiles)
  • Gargaarka dedeg ah( First Aid
  • Hal abuurka ganacsi(Entrepreneurship
  • Community work
  • Health Talk
  • Literacy and Numeracy

 

 

Ugu horeyn maamulka iyo maclimiinta xarunta waxa ay dejiyeen Sharuudaha Xulshada ee ardayda loo qaadan doono tababarka, waxaana ka mid ahaa:

  • In codsadaha yaqaano Far Soomaaliga
  • In uu shaqo la’aan yahay
  • In uusan haysan waxbarasho kale
  • In ay da’doodu u dhaxeyso ( 16- 30)
  • In Maskaxdiisu fayow dahay

 

 

Waxa uu intaas ku daray Liibaan:

In 180 arday 9/10/2016 laga soo xulay 6 degmo oo ka tirsan gobolka Banadi, degmo kastana laga keenay 30 arday kuwaas oo loo qaatay in ay bartaan xirfadaha kor ku xusan iyada oo xulashadooda loo maray habka doorasho ama xulasho ee  kor ku xusan. Haddaba, degmooyinki ardaydan laga soo xulay waxaa ka mid ahaa;

  1. Shangani
  2. H/wadaag
  3. Shibis
  4. Karaan
  5. Bondhere
  6. C/siis

 

Intaas kadib, isku duwaha waxa uu u kuurgalay habsami u socodka dhaqdhaqaaqa waxbarasho ee ardayda, waxyaabahii ugu muhiimsanaa ee uu halkaas ku arkay waxaa ka mid ahaa:

Ardayda qaar kamid  oo casharro kala duwan oo baraatikada marmarka ama mutuleelka noocyadiisa kala duwan sameyneysay, qaar kamid ahna ay baranayeen  xirfadaha la xirira maareynta nolosha, inta kalena ay ku maqnaayeen u adeegga bulshada( Community work).

Iskuduwaha oo sii watay kormeerkiisa  ayaa waxa macalinkii baraatikada marmarka dhigayey  uu tusay, marmaradii ardayda sameeyeen oo isugu jiray noocyo kala duduwan. Intaas kadib, iskuduwhah waxa uu su’aalo ka weydiiyey ardayda casharadii ay baranayeen, labo arday oo uu wareystay waxa ay ku jawaabeen:

  1. NAfiso Maxamed Cali “ Xirfadan sameynta Mutaleelada , aniga ayaa doortay, si wanaagsan ayaan u bartay, maanta waan ku shaqeysan karaa, waxa intaas dheer inaan gurigeyga dayactiran karo.’’
  2. Maxamed Xasan Axmed “ Si wanaagsan ayaan u bartay xirfadaan, waxaana rabaa inaan ku shaqeysto, waxaan hayada UNHABITAT ka rajeyneynaa inaan ka helno qalab shaqo bilow, sido kalena Wasaaradda Shaqada Masuuliyiinteed waxaan ka rajeyneynaa in ay fursado shaqo nooga abuurto Suuqa Shaqada”.

yes-salaad-1 yes-salaad-2 yes-salaad-3