1da May munaasabadda maalinta shaqaalaha aduunka oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa sharaf weyn u ah in ay soo qaban qaabiso Munaasabadda lagu xusayey maalinta shaqaalaha Aduunka waxaa kala soo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Saalah Axmed Jaamac iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xil. Cabdicasis Salax Arman, agaasimeyaasha wasaaradda xubno ka kala socday ururada madaxa banaan ee shaqaalaha iyo masuuliyiinta guddiga qaranka ee shaqaalaha Rayidka dowladda.

Agaasimaha Guud wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda mudane Xasan Shariif Cusman ayaa bilowga munaasabadda sheegay in ahmiyadda maalintan iyaga oo kahadlay qorshaha wasaaradda ee shaqaalaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha guddiga Qaranka ee shaqaalaha Rayidka mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa raiisul wasaaraha iyo madaxda kale ee ka qeyb galay munaasabadda u sharaxay qorshaha guddiga ee ku wajahan shaqaalaha dowladda oo uu sheegay in ay ku shaqeeyaan duruufo adag.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan C/casiis Saalax Armaan ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay ku howlantahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur loogu sameyn lahaa si looga badbaadiyo falalka Tahriibku uu kamidka yahay.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hambalyo kadib sheegay in shaqooyin ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed aanu ka shaqeyn doonin qof ajnabi ah.

“Shaqo uu qaban karo qof Soomaaliyeed uma ogolaan doono qof ajnabi ah”ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn Raiisul wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed, dhinaca kalena waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha dowladda in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadkooda, iyaguna ay ka shaqeyn doonaan in la helo xuquuqda shaqaalaha.

“Dowladdu waxey balan qaadeysaa mushaaraadka shaqaalaha, iyagana waxaan ka rabnaa iney nagala shaqeeyaan sidii aan u heli laheyn xuquuqdooda”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

MOLSA PR 1 may 2017PR MOLSA 1 May 2017 ePR MOLSA 1 May 2017  PR MOLSA 1 May 2017 d PR MOLSA 1 May 2017 c PR MOLSA 1 May 2017 b PR MOLSA 1 May 2017 aPR MOLSA 1 May 2017 a PR MOLSA 1 May 2017 b PR MOLSA 1 May 2017 c PR MOLSA 1 May 2017 d  PR MOLSA 1 May 20171da May 2017